Go’aamo ka soo Baxay Shir-dhaqan oo lagu Taageeray Xukuumadda

0
341

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan)- Go’aamo ka soo baxay shir-dhaqan oo ka qabsoomay shalay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargaysa ayaa lagu taageeray xukuumadda talada dalka haysa, waxaana ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay in lala shaqeeyo oo la taageero dawlada Somaliland ee maanta jirta.

Shirkan waxa ka soo qayb-galay Salaadiin Cuqaal, Waxgarad, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo aqoonyahan ka soo jeeda Beesha Degta Koonfurta Magaalada Hargeysa ee Gobalka Maroodijeex iyo Degmada Salaxlay, waxaana lagaga wadahadlay iskaashiga iyo wax-wada qabsiga Bulshada Koonfurta Magaalada Hargeysa.

Shirkaasi ayaa markii uu dhamaaday waxa laga soo saaray go’aamo dhawr ah oo la xidhiidha horumarka dhaqan dhaqaale ee bulshada iyo sidii xukuumadda loogu garab istaagi lahaa horumarka ay dalka ka waddo, waxaana kuwan qodobadii ka soo baxay shirkaasi:-

“1.In la qabto shirweynaha horumarinta iyo iskaashiga gobolka Maroodi Jeex oo ay ka soo qayb galaan hoggaanka dhaqanka iyo siyaasada, ganacsatada iyo waxgaradka 16-ka degmo ee gobolka Maroodi Jeex (8 degmo oo magaaladda Hargeysa ah iyo 8-da degmo ee ku hareeraysan).

  1. In lala shaqeeyo oo la taageero Xukuumadda Somaliland ee maanta jirta oo ah dawladdii ugu waxtarka badnayd deegaanka koonfurta Maroodi Jeex iyo guud ahaan Somaliland.
  2. Mucaaradnimo inay noqoto mid toosin iyo tilmaan ah, isla markaana xeerinaysa danta guud ee Qaranka oo ay kow ka yihiin Adkaynta Nabadgelyada, Horumarinta iyo wadajirka ummadda walaalaha ah ee Reer Somaliland.”

Leave a Reply