Golaha Wakiillada oo Wasiirka Maaliyadda Somaliland ka dhegeystay Laba xeer oo wax ka beddel u baahan

0
401
Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta sare sarre ee Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa maanta hor tagay Golaha Wakiilada Somaliland, iyaga oo u gudbiyey Wax-ka-badelka iyo kaabista lagu sameeyey xeerarka kala ah Xeerka maamulka iyo maaliyadda Xeer Lr. 75/2016 iyo xeerka guud ee dakhliga Xeer Lr. 72/2016.
Asbaabaha Wax-ka-badelka :
1. Khaladaad iyo gal-daloolooyin ka soo baxay, .
2. Qabyo ka muuqata qeybo muhiim u ah isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo daah furnaanta maamulka maaliyadda iyo dakhli ururinta Dawladda.
Faa’iidooyinka Wax-ka-badelka Xeerarka:
1. Kordhinta isla xisaabtanka, hufnaanta, iyo daah furnaanta maamulka Maaliyadda iyo Dakhliga Dawladda.
2. Waxa uu suurtogelinayaa in Gollaha Wakiiladdu u guto waajibaadkiisa, korjoogtaynta iyo isla xisaabtanka si dhamays tiran, isla markaana waxa uu waajibinayaa in uu helo Gollaha Wakiiladu warbixino dhamays tiran oo ku saabsan sida loo maamulay loona isticmaalay maalka dawladda.
3. Kordhinta Awoodaha fulineed iyo isla xisaabatn ee Maamulka Dakhliga
4. Dhismaha hanti-dhawr gudeed oo ay yeelan doonaan dhammaan hay’adaha kala duduwan ee dalku.
5. Ka qeyb-galka dadweynaha ee Diyaarinta Miisaaniyadda
6. In la abuuro Khasnadda Mideysan ee Dawladda ( Treasury Single Account).
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 2 people
May be an image of 2 people and people sitting
May be an image of 1 person, standing, suit and outdoors
May be an image of 1 person and sitting
May be an image of 2 people and people sitting

Leave a Reply