Wasiirka Howlaha guud oo u Jawabay xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga Waddani

0
322

Hargeysa (Dawan) Wasiirka howlaha guud dhulka iyo guriyeynta ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa xoghayaha arrimaha gudaha xisbiga WADDANI ku eedeyay in uu u dhaqmayo sidii madax dhaqmeedka, kadib markii xoghayuhu uu isku shaandhayntii madaxweynaha ku tilmamay in ay Somaliland ka dhigtay qoys.

Wasiirka oo waraysi gaar ah siinayay Saab TV, ayaa sheegay in hadalkaasi aanu ahayn hadal xisbi ee u ahaa hadal ka madax dhaqameedka oo kale, wuxuuna usoo jeediyay xoghayaha in uu ku biiro madax dhaqameedka ama uu sidii madax xisbi u hadlo.

Wasiir Cabdillaahi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Xisbiyada mucaaradka waxan arkayay nin hadlaya, markaa xisbigu waa in uu noqdaa xisbi qaran ama xisbi qabyaaladeed, wuxu ku hadlayay af-qabyaaladeed ayay ahayd, nin kuna ama waa in uu xisbi noqdo ama qabiil, marka ragaa afka qabyaalada ku hadlayay waxan kula talin laha intay xisbiyada iskaga baxaan in ay noqdaan cuqaal”

Wasiirka ayaa intaa raaciyay, in anay macno badan samaynayn deegaanka uu wasiirku kasoo jeedo, taa badalkeena wasiir kasta oo wasaarad maamula meesha uu doono haka soo jeedee uu dadka oo dhan wada matalo, oo aanu deegaan qudha u shaqaynayn.”Wasiirka la magacaaba deegaan noqon maayo, wasiirka caafimaadku wuxu ka shaqaynayaa lixda gobol ee waa wayn caafimaad kooda, wasiirka biyuhu qoys qudha uma shaqaynayo, marka wasiirku dhinackastaba ha ahaade wuxu u shaqaynayaa waa qaranka”

 

 

 

 

Leave a Reply