Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo Xafiisiisa ku Qaabilay Madaxa Hay’adda IRI

0
328

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr Jonathan Doernhofer oo ah madaxa hay’adda IRI (International Republican Institue).

Hay’adda IRI oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka ayaa dalalka ka taageerta taabba galinta dimuqraaddiyadda iyo xorriyatul qawlka.

Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo Madaxa IRI ayaa ka wada hadlay sidii Golaha looga gacan siin lahaa horusocodsiinta dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday iyo dhawrtista xorriyadda hadalka waxaanu kulanku ku dhammaaday is fahan wada shaqayneed.

Kulanka waxa kale oo goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre) iyo Mudaneyaal ka tirsan Golaha.

Leave a Reply