Fikiradaha Gaaban Ee Nacaska!

0
902

Wiil u dhashay Irland ayaa si uu uga maqnaado shaqada maalin ka dib markii uu habeenkii oo dhan la soo jeeday saaxibadii, sameeyay arin aad loola yaabay. Wiilkan oo lagu magacaabo Eron Niel oo 20 sano jiray oo u shaqaynayay shirkada Anthel ee ka hawlgasha caasimadda Dublin ayaa saaxiibkiis u sheegay inuu la hadlo shirkadda isla markaana gaadhsiiyo in bam lagu xidhay dhismaha shirkada, si markaasi shaqaalaha loo fasaxo.

Saaxiibkii ayaa kula xidhiidhay telefoon isagoo weliba u sheegay inuu yahay xubin ka tirsan Daacish waxaana uu yidhi: “ Dhismihiina Bam ayaa ku xidhan wuxu ku qarxayaa 12 gudahood, aniguna waxaan ahay xubin daacish ah “.

Shirkadda ayaa isla markiiba booliiska la xidhiidhay.  Ciidanka Booliiska ayaa si degdeg ahu soo gaadhay shirkadda isla markaana xidhay dariiqyada soo gala waxaana shaqadii laga joojiyay 4 kun shaqaale oo subaxaasi oo shaqada diyaar u ahaa.

Markii  booliisku waxba ka waayeen waxa ay soo qabteen   Eron iyo saaxiibkii oo ay baadhis heer sare ah ku garteen.

Maxkamada ayaa wiilka ku xukuntay 200 saacadood oo uu bulshada bilaash ugu shaqeeyo,. Qaadiga ayaa cadeeyay in Eron uu ahaa doqon aan caqli fiican lahayn ahaa oo habeenimadii daalay oo si axmaqnimo ah kaga baxsanayay shaqadiis, arinkuna ma ahayn mid cadaawad ah iyo xataa mid ka maadaysi ah ee laakiin waxa uu noqday mid ka soo maaxday caqli nacanimadu fadhiid ka dhigtay..

Leave a Reply