Hargeysa (Dawan) Waxaa maanta olole balaadhan oo waddo banneyn ah laga sameeyay xaafada Sheekh Nuur ee degmada Axmed Dhagax.
Ololahan lagu banaynayay waddooyinka xidhan ee dhex mara xaafadda Sheekh Nuur waxaa hoggaaminayay gudoomiyaha Degmada Axmed Dhagax mudane Maxamed Daa’ud Cige iyo gudoomiyaha arimaha Bulshada mudane Yaasiin Cumar yare.
Qaybaha kala duwan ee bulsha weynta ku nool xaafada Sheekh ayaa si is xilqaan ah ugu soo baxay banneynta jidkan mihiiimka ah.
Jidkan ayaa wax weyn ka tari doona isu socodka gaadiidka iyo dadka ee xaafada Sheekh Nuur ee degmada Axmed Dhagax.
Dawladda hoose ee degmada Hargeysa ayaa muddadii la doortay ilaa hadda gudaha caasimada ka wada hawlo badan oo mihiim ah isla markaana waxtar u leh bulshada qaybaheeda kala duwan.