Hargeysa (Dawan) Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargaysa ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiin ka Socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha gaar ahaan Guddida kormeerka iyo Qiimaynta Dawladaha Hoose waxaana guddidan Hogaaminayay agaasimaha Gobolada iyo Degmooyinka ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Cali Daalin iyo lataliyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dhanka mashaariicda JPLG ga Maxamed Jaamac Maygaag.
Dhanka dawladda hoose waxaa kulankan xogaaminayay siciid Nuur Jaamac oo ah xoghayaha fulinta dawladda hoose ee hargaysa, agaasimaha waaxda qorshaynta dawladda hoose Cali maxamed Nuur, agaasimaha mamaulka iyo maaliyadda Maxamed Maxamuud Axmed,Mudane Jamaal Cabdilaahi Cabdi oo kamid ah gudida ka garnaqa dacwadaha dhulka,
Kulankan ayay muhiimadiisu ahayd in Warbixin buuxda laga Siiyo gudida ka socda wasaaradaa arrimaha gudaha halka uu marayo mashruuca horumarinta degmada .
Qiimeyntan oo 3dii bilood ba ay wasaaradda arrimaha guduhu ku marto dawladaha hoose si ay wasaaradu ugu kur gasho habsami-u-socodka adeegyada ee dawladdaha hoose.