Agaasimaha Komushinka Xuquuqul insaanka Somaliland oo Kormeer Xog-ogaal-u-noqosho ah ku Tagay magaalada Laascaanood

0
658

Laascaanood (Dawan) Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa kormeer xog ogaal u noqoshada xaalada bini’aadanimo ku tagay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Agaasime Cabdisamad waxaa uu xafiiskiisa kula kulmay guddoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ay iska xog wareysteen arrimaha xuquuqul aadanaha ee gobolkaasi.

Cabdisamad Sacad ayaa sheegay in ay kormeer ku sameyn doonaan, arrimaha la xidhiidha xuquuqul iinsaanka, haddii ay tahay arrimaha dadka nugul iyo xuquuqaadkooda, sida dumarka, carruurta, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo cadaaladda.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa agaasimaha xuquuqal iinsaanka Qaranka uga mahad celiyay hawlaha shaqo iyo kormeerka ay ku tageen gobolkaasi.

Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa si faahfaahsan uga waramay ujeedada safarkooda shaqo waxaanu yidhi. “Guddoomiyaha gobolka Sool waxaa aanu uga mahad celinayna sida wanaagsan ee uu xafiiskiisa noogu soo dhaweeyay.

Muddada aanu ku suganahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa aanu kormeer ku sameyn doonaa, arrimaha la xidhiidha xuquuqul iinsaanka, haddii ay tahay arrimaha dadka nugul iyo xuquuqaadkooda, sida dumarka, carruurta, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo cadaaladda.

Dhanka kale waxa aanu kormeero ku mari doona saldhigyada iyo xabsiga dhexe ee magaalada, si aanu iyagana wax uga ogaano xuquuqaadka iyo xaaladaha maxaabiista ku jirta xabsiga  iyo saldhigyada, iyo hannaanka cadaaladdeed ee gobolka iyo qaabka uu u shaqeynayo.

Kormeerkanina waa ka joogtada ah ee guddida xuquuqal iinsaanka Qaranku ay dhammaan gobollada dalka oo dhan ku sameeyo isla markaana uu ku soo saaro warbixinaha sannadlaha ah”

“Xuquuqal iinsaanka Somaliland, waxa aan leeyahay ku soo dhawaada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, xuquuqal iinsaanku wax xad leh maaha, qaybaha kala duwan ee nolosha ayuu galaya, dhaqaalihii ayuu galaya, dadkuna cadaaladd ayay u baahan yihiin iyo wacyigelin”Ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Leave a Reply