Boorame: Isuduweyaal Shir Muhiim ah ka Baaqday oo Boolisku soo Uruuriyay iyo Badhasaabka oo ka hadlay.

0
251

Borama (Dawan) Ciidanka booliska Boorama.ayaa soo uruuriyay isla markaana saldhigga booliska ku soo xareeyay xubno ka mid ah isu-duweyaasha wasaaradaha dawladda ee gobolka Awdal oo ka baaqday isla markaana iman waayay kulan ay ku ballan sanaayeen guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro.

Isuduweyaasha boolisku soo uruuriyay.ayaan la xidhin sida guddoomiye Tiimbaro u xaqiijiyay wargeyska Dawan.

Waxaanu intaa raaciyay i isuduweyaasha la keenay oo ay hadda ku sugan yihiin xafiiska badhhsaabka gobolka Awdal.

Gudddoomiye Tiimbaro oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu  yidhi.”Waanu balansaneyn oo balantii ayay ka hansaameen, ciidamada booliska ayaanu u dirnay waala soo ururiyay oo saldhiga ayaa la keenay, lama xidhin oo hadda xafiiskayga ayay joogaan”

Leave a Reply