Khasaarihii ka Dhashay Duullaankii September 11 oo maanta Labaantan jirsaday

0
322

Hargeysa (Dawan) Maanta oo kale labaatan sannadood ka hor,  11kii September 2001,  19 xubnood oo ka mid ah Ururka Xagjirka ah ee Al-Qaacida, ayaa afduubay Afar diyaaradood oo ay ku fuliyeen falal is-miidaamin ah oo lala beegsaday dalka Maraykanka.

Laba diyaaradood waxa lagu weeraray labadii daarood ee mataanaha ahaa dhismihii Xarunta Ganacsiga Adduunka ee ku yaallay magaalada New York, halka diyaaradda saddexaadna lagu duqeeyey Xarunta Pentagonka Maraykanka oo ku taalla duleedka Magaalada Washington. Iyadoo diyaaradii afraadna ay ku burburtay gobolka Pennsylvania.

Duqaymahaas September 11, waxaa ku geeriyooday marka la isku daro dad ku dhow 3000 oo qof, waxaanay maalin madow u ahayd Marakaynka iyo Maamulkii Madaxweyne  Goerge W. Bush.

Waxa la shaaciyey in weeraradaas Maraykanka lagu qaaday ay ku dhinteen 2,996 qof oo ay ku jireen 19kii nin ee fuliyey weerarkaas argagixiso, halka dadka ku dhintay weerarkaas diyaaradeed ay ka soo kala jeedeen 78 dal.

Dadka dhintay waxay u badnaayeen dadkii ku nafwaayey labadii daarood ee mataanaha ahaa, waxana halkaas ku qudh-baxay 2,763 qof, waxana ku jiray 343 ruux oo ka tirsanaa deb-damiskii ka hawlgalayey gurmadkii mashaqadii ka dhacay daarihii mataanaha ahaa.

Sidoo kale, waxa ku jiray 23 sarkaal oo ka tirsan Booliska New-York oo isku dayey inay dadka ka soo saaraan burburkii laxaadka lahaa ee dalkaas ka dhacay.

Waxa kaloo khasaare weyni soo gaadhay dharaartaas Xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maraykanka oo ay ku dhinteen 189 qof oo ay ku jireen 64 qof oo saarnaa diyaaradii lagu duqeeyey xarunta Pentagon-ka. sidaas oo ay tahay waxa  diyaaradii afraad  ku burburtay Pennsylvania oo ku nafwaayey 44 qof.

Madaxweyne Goerge W. Bush wuxuu maalintaas ku dhawaaqay in duullaan ay dalkiisa ku soo qaadeen wax uu ugu yeedhay Argagixisada caalamiga ah,waxaanu sheegay inay burburiyeen dhismeyaashii ugu waaweynaa dalkiisa, balse aanay burburin karin qiyamka iyo dawladnimada Maraykanka.

Weerarkii lagu qaaday Maraykanku wuxuu horseeday in Maraykanku rido dawladdii Daalibaan ee mangelyada siisay Usama Bin Ladin, waxana dagaal uu Maraykanka iyo xulafadiisu  ku qaadeen Afganistaan ay hilfaha ugu qaadeen dawladdii Daalibaan oo ay ku rideen laba bilood gadahood. In kasta oo weerarkii September 11 uu saameyn taban oo dhaqaale ku keenay Maraykanka, isla markaana ay hoos u dhaceen saamiyadii suuqyada ee xilligaas.

Osama Bin Laden oo ahaa maskaxdii nashqadeeyey weerarkii September 11, waxa Maraykanku dilay dalka Pakistaan 2-dii Bishii May ee sannadkii 2011kii. Madaxweynihii xiligaas ee Maraykanka Mr. Barack Obama ayaa bishii June ee 2011kii amar ku bixiyey in ciidammo badan oo Maraykan ah laga soo saaro dalka Afganistaan, iyadoo 31kii August ee aynu soo dhaafnay Madaxweyne Joe Biden uu dalka Afganistaan ka soo saaray dhammaan ciidammadii ka joogay oo dhan.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo ay weheliyeen qaar ka mid ah Madaxweyneyaashii hore ee Maraykanka, ayaa xusuus u tagay goobtii ay ku yaaleen daarihii mataanaha ahaa, waxaanu wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Joe Biden wuxuu noqonayaa madaxweynihii afraad ee soo mara Maraykan 20kii sannadood ee la xusayey maalintaas ku madow Maraykanka.

Warbixintan waxa soo diyaariyey Cumar Maxamed Faarax

Leave a Reply