Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefti Ballaadhan Uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyay Duleedka Magaalada Gebilay.

0
400

Gebilay (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay duleedka magaalada Gebilay, iyagoo ku sii jeeda degmada Boorama oo ay kaga qayb gelayaan qalinjebinta jaamacadda Cammmuud.

Waxaana madaxweynaha xadka gobollada Maroodijeex iyo Gebilay kusoo dhaweeyay badhosaabka gobolka Gebilay, Maayarka degmada Gebilay iyo sidoo kale xubnaha golaha deegaanka ee degmadaasi. Iyadoo madaxweynaha iyo weftigiisa lagu soo dhaweeyay astaanka ay Gebilay caanka ku tahay ee Hadhuudhka. Intaas kaddib waxa madaxweynaha iyo weftigiis ay u galbiyeen xuduudda labada gobol ee Gebilay iyo Awdal.

Geesta kale, maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorama iyo wasiirrada wasaaradaha, ganacsiga, qorshaynta qaranka, maalgashiga iyo mas’uuliyiinta degmada Dila oo ah afaafka hore ee laga galo gobolkaasi ayaa kusoo dhaweeyay madaxweynaha iyo wefitigiisa calanka dalka iyo caleemo qoyan, iyagoo safaf u taagnaa waddada weyn ee isku xidha gobollada dalka.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa mar kale lagu soo dhaweeyay xarunta gobolka Awdal. Dhalinyar, madax dhaqameed, haween weynaha iyo ururrada bulshada ayaa roogga cas u goglay wefdiga, deegaanka Gorayo cawl ee duleedka magaalada Boorama. Intaasi kaddib madaxweynaha ayaa guda galay u jeeddada safarkiisa oo ah ka qayb galka qalinjabinta dufcaddii 20aad ee ka aflaxda Jaamacadda Cammuud oo maanta lagu qabtay xarunta jaamacaddaasi.

Leave a Reply