Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo  Dood ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda

0
263

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibadda ee dalka.

Fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaasi mudane Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha golahaasi, waxay dood dheer ka yeesheen siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, iyagoo talo ahaan u soo jeediyay in xukuumaddu ay magacawdo guddi isku dhaf ah oo ka kala socda goleyaasha qaranka Somaliland, kuwaas oo ka qayb qaata hawsha ictiraaf raadinta Somaliland, oo uu muddo dheer dalkani raadinayo inuu ictiraaf buuxa ka helo adduunka.

Geesta kale, mudanayaashu waxay dood ka yeesheen siyaasadda arrimaha gudaha ee dalka, iyagoo talo ahaan u soo jeediyay wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka dalka iyo in kor loo qaado amniga soodimaha dalka laga soo galo, si loo hubiyo dadka sifada sharci darrada u soo gelaya dalka.

Mudanayaashu waxay intaas raaciyeen in dadka ajaanibta ah ee kusoo badanaya dalka wax laga qabto, kuwaasoo ay sheegeen in culeys dhaqaale, mid amni iyo mid caafimaad darraba ay ku hayaan dalka.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa sheegay in Ajaanibta Waddanka soo galeysa ay dalka cadaw ku yihiin, loona baahan yahay in la sameeyo qorshe wax lagaga qabto.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Dadkan faraha badan ee soo galaya waynu iska celin jirnay, dhibaato badan ayay innagu hayaan, dhaqaalaheeni oo yar, inanga oo shaqadii aynu haynay ay yar tahay, wax allaale wixii shaqo hoosaad ah oo dhan iyaga ayaa qaatay dadka soo galootiga ahi.

Inaguna dad ayaynu shaqo u doonaynaa oo inaynu kobcino doonaynaa, waxa ay ila tahayna taasina ka fiirsigeeda iyo wax ka qabashadeeda ayay leedahay”

Xildhibaan Axmed Dirir Cali, ayaa soo jeediyay in Waddanka laga saaro, dadka Ajaanibta ah ee sifaha sharciga baalmarsan ku jooga dalka, kuwa sharciga lehna in lagu ixtiraamo oo lagu ilaaliyo.

Xildhibaan Axmed Dirir Cali, isaga oo arrimahaasi iyo kuwa kale ka hadlaya waxa uu yidhi.“Soo-galootiga cid ayaa qaabilsan, qofkii aan sharci iyo ID Card, sidan waa qof sharcidarro ah, carruurta yar yar ayaa garanaysa, marka wixii aan sharci lahayn dalka halaga saaro, kii sharci lehna halagu ixtiraamo oo halagu ilaaliyo”

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug oo ka Digay in khilaaf laga abuuro Soodi’maha u dhaxeeya degma doorashooyinka Dalka

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug kana mida mudayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa ka digay in khilaaf laga abuuro soodi’maha u dhaxeeya degma doorashooyinka dalka, isaga oo sheegay in wasiirka wasaaradda arrimaha guduhu go’aan uu soo saaray dhul degmada Baligubadle hoostagayay uu ku hoos keenay degmada Hargeysa, waxaa xildhibaanku tilmaamay in taasi muran iyo khilaaf hor leh ay keenayso.

Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Hadda waxaa na loo sheegaya qaar uu wasiirka wasaaradda arrimaha guduhu inta uu warqad qoray intii doorashada horteed, dhul degmada Baligubadle ay lahayd oo la soo raaciyay degmada Hargeysa, sanaaduuqdii doorashooyinka ayaa u xad ah degmooyinka, degma kastana xuduudkeedu waxaa uu noqonayaa sanaaduuqda doorashadu halka ay yaalaan”

Xildhibaan Maxamed Weli Warsame Cali, oo Sheegay Qofna Ogolaanshiyo la’aan in Aanu Dalka soo gelin

Xildhibaan Maxamed Warsame Cali, kana mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay in cid aan ogolaanshiyo la siin aanay Waddanka iska soo gelin.

“Xadka qof aan la soo daynin kama soo galo, dadka wixii aan sharci sidan ee waddanka isaga soo galayana la joojiyo, barriga xuduudka gaadhi aan la ogolaan iskama soo galo”

 

Leave a Reply