Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo Sheegay in Xeerka Ciqaabta guud ee Somaliland Mabnuucayo Dawarsiga

0
302

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Sahal Iidle Dirir, oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, oo ka qayb qaadanayay dooda ajandaha kal-fadhiga 76aad qodobkiisa siyaasada arrimaha gudaha iyo kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka ayaa ka hadlay dhibaatada dadka ay dawarsada ee soo badanayaa ay ku hayaan dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Xeerka ciqaabta guud ee  Somaliland aanu ogolayn dawarsiga oo qofkii lagu qabto maxkamada lala tiigsano sidaasina uu xabsiga ku mutaysanayo.

Xildhibaan Sahal Iidle isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Dawarsigu shuruucda Somaliland waa ku xaaraan, marka xeerarkeena in aynu dabaqnaa uunba mihiima, xeerarka Somaliland Dawarsiga waa ay mabnuucayaan, gaar ahaan waliba xeerka ciqaabta guud, ciqaabna wuu saaraya qofka dawarsanaya, maxkamadda ayaa la gaynayaa xabsi ayuu galayaa, marka waa in aynu ku dhaqana xeerarkeena.

Xeerka Ciqaabta guud ee Somaliland, Dawarsigu waa mabnuuc, waana xaaraan, qofka lagu qabto isaga oo dawarsanaya waa qof sharcidarro ku jira, waana la qabanaya oo maxkamadda ayaa la horgaynayaa,”

 

Leave a Reply