Goobta lagu Aasi doono Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo la shaaciyey

0
283

Hargeysa (Dawan) Ugaaska guud ee beelaha Hawd iyo Hargeysa  Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) ayaa sheegay in Marxuum Suldaan Cumar lagu aasi doono haddii ILLAAHEY yidhaaho xabaalihii hore aabihi ugu asana, taas oo uu tilmaamay in hadda hawsha qodista xabaashu ay ka socoto.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in guddida qaban qaabada aaska marxuumku ay hegan ku jiraan, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan bulshada ula soo wadaagi doonaan wakhtiga rasmiga ah ee ay diyaarada maydka sida soo caga dhigato.

Ugaaska guud ee beelaha Hawd iyo Hargeysa  Ugaas Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) oo hadda warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi. “Waxaan idinla socodsiinaya in wakhtiga ugu horreeya ee maydka marxuunku yimaado lagu aasi doono, xabaalihi hore ee aabihi, lagu aasay, oo hadda ay ka socoto hawshu waxaana mar walba heegan ku jira guddidi qaban qaabada aaska marxuun suldaan Maxamed suldaankii guud, waanu idinla socodsiin doona wakhtiga iyo saacada ay soo fadhiisanayso diyaarada lagu sido maydkii Suldaanka, ILLAAHEY Samir iyo iimaan haynaga siiyo janooyinkiisana hawgu deeqo”

Leave a Reply