Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Dood ka Yeeshay Qaabkii looga Faa’idaysanlahaa Biyaha Roobka  Gu’ga 

0
818

Hargeysa (Dawan) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay sidii biyaha roobka loo qabsanlahaa, isla markaana looga faa’idaysanlaha xilli roobaadka.

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xildhibaanada golahaasi waxaa ay soo afmeereen doodi ay ka lahaayeen ajandandaha kalfadhigooda 76-aad ee fadhiga 7aad.

Qoddobka arrimaha bulshada, xarafkiisa ka hadlaya qabashada biyaha xilli roobaadka iyo sidii xilliga Gu’ga looga faa’idaysanlaha, waxaana mudanayaashi doodaasi ka qayb qaadanayay ka mid ahaa xildhibaan Dayib Xasan Axmed, xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud, xildhibaan Muuse Xaaji Cabdi, ayaa is dul taagay sida ay lagama maarmaanka u tahay sidii shacab iyo xukuumaddba la isaga kaashanlaha sidii biyaha roobka looga faa’idaysanlaha.

Xildhibaan Dayib Xasan Axmed isga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Nin yar oo miyi degan oo Berkad sameystay ayaa waxa uu u sameysta si uu ugu noolaado gacan, si ay barkadaasi u buuxsanto marka uu roobku da’o, dadkii ilbaxa ahaa, ee dawladd iyo shiciba lahaa waxa loo baahan yahay, biyaha roobka ee badda galaya in la isugu tago oo wax laga qabsado biyahaasi, tusaale ahaan in dhaamam biyood la sameeyo”

Xildhibaan Jirde Siciid Maxamuud isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Marka Dhammamkii oo kale in la hagaajiyo oo biyaha badda galaya lagu weeciyo, oo biyo xidheeno la sameeyo, iyo dhaamam ay biyahaasi ku dhacaan, marka xukuumaddana waxa aan u soo jeedinayaa oo aan leeyahay waa in laga hawlgala biyaha badda oo kaalinta ay leedahay aynu ka qaadataa.

Qofkasta oo bulshada ka mid ahi gurigiisa Mijaroor haw sameyo, oo inta uu qaban karro uu qabto, mid taangi ku duwa, iyo foosto ku duwa, iyo mid barkad ku duwa, in qofkasta uu is xilqaamo oo biyaha Mijaroorka ka dhacaya u qabanlahaa, hal foosto haddu qabsado ama laba foosto qabsado waxbay u taraysaa”

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo Dood ka Yeeshay Qaabkii looga Faa’idaysanlahaa Biyaha Roobka  Gu’ga 

Leave a Reply