“Qorshahayga  ugu muhiimsan waxa weeye Ictiraaf raadinta  Somaliland.”Wasiirka arrimaha Dibedda.

0
404

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah   Dr.Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Qorshayaashiisa ugu muhiimsan tahay  Ictiraaf  raadinta dalka Somaliland.

Dr.Ciise Kayd oo u waramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu intaasi ku daray in Dunida oo dhan uu ka dhaadhicin doono sidii Somaliland Ictiraaf u heli lahayd,

Ciise Kayd oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi.”Qorshahayga iyo shaqadayda  ugu horaysa ee igu muhiimsan waxa weeye Ictiraaf raadinta Caqli iyo Cilmi iyo wax walba  waynu  saaraynaa Ictiraafraadinta Somaliland,Dunida oo dhan ayaan Somaliland ka dhaadhicin doonaa maaha dal kaliya Umadda Aduunyada ku nool  wixii danaynaya ee jecel Xornimada iyo Nabada ayaan ka dhaadhicin  doonaa Ictiraafka  Somaliland,”.

Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu sheegay in door  muhiima ka qaadanayo dhismaha dalka Shirweynihii Qurbojooga Somaliland ee ka qabsoomay Magaalada  Hargeysa.Waxaana  uu yidhi”Shirweynahani waxa uu ka qaadanayaa door muhiima dhismaha dalka waayo waxa ay ka mid yihiin  Qurbojooga  qaybaha Bulshada ee ugu muhiimsan ee dalka dibadiisa jooga,”.

Leave a Reply