Roobab Waxyeelo Gaadhsiiyay Cusbitaalka TB-da Caynaba

0
378

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Caynaba (Dawan): Maayarka degmadda Caynaba iyo masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saraar, iyo xubno ka socday wasaaradda caafimaadka ee heer qaran ayaa shalay soo kormeeray khasaaraha uu roobku soo gaadhsiiyay cusbitaalka TB-da ee magaaladda Caynaba.

Maamulka dawladda hoose ee Caynaba ayaana inta dib u dhis lagu samaynayo xaruntii TB-da waxay dhisme kale oo lagu sii shaqeeyo u kireeyeen, si ay shaqadu u sii socoto.

Roobab maalmihii ina dhaafay ka da’ayay gobolka Saraar ayaa dhibaatooyin soo gaadhsiiyay xaruntii TB-da Caynaba, ee loogu shaqayn jiray laguna baadhi jiray dadka qaba ama laga shay-baadhayo TB-da.

Waxaanu roobku jiingadii ka qaaday qaybtii TB-da, iyadoo sidoo kalena ay waxyeelo iyo bur bur soo gaadhay qalabkii lagu shaqaynayay.

Maayarka degmadda Caynaba oo hore qaylo-dhaan uga diray arrintaasi ayaa waxaa baaqiisii ka soo jawaabay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saraar Maxamed Abokor, ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka sidii deg deg ahayd ee ay uga soo jawaabeen baaqii ay hore ugu direen masuuliyiinta caafimaadka.

Xasan Yuusuf Aadan, maayrka degmadda Caynaba ayaa u mahad celiyay wasaaradda caafimaadka Somaliland oo si dhakhso ah uga soo jawaabtay baaqii ay u direen ee la xidhiidhay waxyeeladda soo gaadhay qaybtii TB-da ee cusbitaalka Caynaba.

Waxaanu yidhi, “Shalay subax (doraad) ayay ahayd markii aanu warbaahinta la hadalnay, ee aanu ka warbixinaynay waxyeeladda gaadhay xarunta TB-da. Wasaaradda caafimaadka aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa, maadaama ay markiiba ka soo jawaabtay baaqayagii.

Iyadoo noo soo dirtay dhakhaatiir iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradda caafimaadka ee Somaliland. Waxaanu u kiraynay saddex qol, oo inta xarunta la dhisayo shaqaaluhu ku sii shaqeeyaan, oo daawadda iyo qalabka la sii dhigo”.

Geesta kale Dr. Ayaanle Cali Maxamuud, oo ka mida dhakhaatiirta ka hawl galla wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in ay mar kale warbixin iyo qiimayn ku samayn doonaan khasaaraha dhabta ah ee ay roobabku gaadhsiiyeen cusbitaalka Caynaba.

“Qaylo-dhaantayadii oo ay wasaaradda caafimaadku xil iska saartay, qiimayna aanu ku samaynay, dhamaanba qaybihii cusbitaalka TB-da, oo weliba uu ka muuqdo bur bur aad u badan oo uu soo gaadhsiiyay roobkii.

Iyadoo ay qoyeen dhamaanba qalabkii lagu shaqaynayay, ee Candhuufta lagu baadhayay, ee kombuyuuterka ahaa. Sidoo kale waxaa xumaaday dhamaanba agabkii kale oo ay ka mid yihiin waynaysadii (microscope), agabkii diiwaangelinta dadka.

Waxaan doonaynaa in aanu qiimayn kale samayno, oo aanu kadibna warbixin ka samayno, oo aanu la wadaagno masuuliyiinta cusbitaalka TB-da” ayuu yidhi Dr. Ayaanle Cali Maxamuud.

Leave a Reply