Xubin Guddida Doorashooyinka ah oo ka Qayb Galay Shir Caalamiya

0
250

Qore Khadar M. Dhako.

Istanbul (Dawan) Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mida Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ka qayb gashay Shir lagaga hadlayay Ganacsiga oo ka qabsoomay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Kaltuun Sheekh Xasan oo ayaa waxa ay sheegtay in Shirkan ay ka soo qayb galeen 42, waxaana ay intaasi ku dartay in Shirkadaha shirkan ka soo qayb galay Xidhiidh la yeelan doonaan Somaliland.

Kaltuun oo faahfaahin ka bixinaysay Shirkan ay ka qayb gashay waxa ay tidhi”Shirkan waa shir Ganacsiyeed waxa soo qabanqaabisay Dawlada Turkey waxaana ka soo qayb galay ugu yaraan 42 dal waxaana wax soo saarkooda shirkan ku soo bandhigay 100 Kombani oo ka tirsan Wadanka Turkey

waxaana ka soo qayb galay Ganacsatada

Somaliland qaar ka mida oo uu Hogaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo uga waramay Xaalada dalka Somaliland iyo koritaanka Dhaqaalaha Somaliland iyo Xidhiidhka Ganacsi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Turkey,”.

Sidoo kale Kaltuun ayaa waxa ay sheegtay in Doorashooyinka dalka ka dhacay suuragaliyeen in Shirarka Caalamiga lagu soo casuumo Somaliland.Waxaana ay tidhi”Dal kasta oo kobociisa dhaqaale iyo Ganacsigiisa uu wanaagsanyahay waxyaabaha suuragaliyay waxa ka mida Doorashooyinka u qabsooma sida Somaliland oo kale, markaa dal waxa lagu garankaraa Horumarka uu gaadhayo sida Maamulkiisa iyo Doorashooyinkiisa u kobcaan ayaa Ganacsiga ka turjumayaa mana kala maarmaan Ganacsiga iyo Doorashooyinka.faa,iidada laga helayaa Shirkan waxa weeye xidhiidho fara badan oo usoo kordhay Somaliland dhamaan Shirkadaha wax soo saara oo xidhiidh la yeelan doona Somaliland,”.

Leave a Reply