Saamaynta Xidhiidhka Xun Ee Waalidka Iyo Ubadka!

0
415

Dhacdooyinka yaabka leh eek u jira diiwaanka TV-GA Alan ee Dubai gaar ahaan barnaamijka Qaraa’ib waxa ka mid ah qisadan:

Islaan maalqabeen ahayd oo 85 jir ah una dhalatay dalka Usteriya ay jeexjeexday lacag dhan hal malyuun oo Yuru ah oo ay iyadu lahayd.

Islaantan ayaa lacagtaasi jarjatay ka hor intii aanay ku dhiman xarun dadka waaweyn lagu xanaaneeyo oo ay ku jirto. Islaanta ayaa la sheegay inay diidanayd inay lacagtaasi ka dhaxlaan caruurteeda iyo kuwa ay sii dhaleen.

Xeer ilaaliye ka tirsan Austeria aya sheegay in aanay cadayn sababta ay islaantu lacagta xadigaasi leeg u googaysay waxase laga yaaba ayuu yidhi inay tahay cadho ay u qabto ehelkeeda oo ku ilaabay xaruntaasi.

Xeer ilaaliyuhu wuxu intaasi ku daray isagoo u waramayay wakaalada wararka Farasniiska in arinkan aan laga dhigi doonin fal denbiyeed sidaas darteedna aan loo furayn fayl, madaama lacagta kaydkeeda ah ay iyadu xor u ahayd.

Dadka degan xarunta islaantu lagu hayay ayaa ka soo saaray maydkeed makhsinkii ay deganayd iyadoo ay dhinaceeda yaallaan lacagtaasi ay jarjartay iyo weliba jeegagii iyo cadaymihii kale ee Baanka oo iyana ay dhamaantood googoysay sida laga soo xigtay wargeyska Corer.

Laakiin dhaxlayaasha ayaa la sheegay inay weli fursad u haystaan inay helaan lacagtaasi sida maamulayaasha baanka Austeria laga soo xigtay haddii aanay ahayn mid faalso ah. Ku xigeenka Baanka ayaa isna Wareyska u sheegay in haddii dhaxlayaashu ay keenaan waraaqihii googay  dhamaantood oo ay sax noqdaan ay xaq u leeyihiin in baanku u bedelo.

Leave a Reply