Wasaaradda Beeraha oo Xeebaha Dalka U Dirtay 10 Kooxood oo…

0
790

Hargeysa (Dawan)  – Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, ayaa Maanta kooxaha la dagaalanka Ayaxa u dirtay Xeebaha dalka.

Kooxaha la kala diray oo ka kooban 10 kooxood oo ku gaashaaman Gaadiidka dheereeya ee la dagaalanka Ayaxa isla-markaana qalabkoodu u dhamaystiran yahay, ayaa waxay qaban doonaan hawlaha ay ka mid yihiin Sahaminta goobaha Ayaxu fadhiyo iyo buufintiisa.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Maxamed Xaaji Cismaan oo ay wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse iyo Agaasimaha Waaxda Badbaadada Beeraha Maxamed Suudaani, ayaa ku dhawaaqay hawl-galka la dagaalanka Ayaxa ee laga bilaabayo Xeebaha Somaliland.

“10 kooxood baanu u diraynaa Xeebaha” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu intaa ku daray in Sababta Kooxahan loo diray tahay in lala dagaalamo Ayaxa xagga Itoobiya ka soo gudbay.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan wuxuu sheegay in hawl-galkan ay qayb ka yihiin diyaaradaha Qumaatiga u kaca.

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu Bulshada ka codsaday inay Wasaaradda ku soo wargeliyaan Ayaxa ay arkaan, si kooxaha la dagaalanka Ayaxu hawshooda uga qabsadaan oo ay u buufiyaan, si aanu waxyeelo u gaadhsiin wax soo-saarka Beeraha.

Leave a Reply