Xildhibaan Guruje oo ka Dhawaajiyay Hadal Waxtar-u-leh Shaqaalah Dawladda

0
468

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruje), kana mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, ayaa soo jeediyay in shaqaalaha dawladda maadama ay yihiin kuwa ugu mushaharka yar loo sameeyo Caymis.

Xildhibaanu waxaa uu tilmaamay in ay u baahan yihiin in la siiyo caymis xagga caafimaadka ah, xagga waxbarashada ah, xagga laydhka ah iyo xagga biyaha ah.

Xildhibaan Guruje isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhgi.“Shaqaalaha dawladdu waxaa ay u baahan yihiin in la siiyo caymis xagga caafimaadka ah, xagga waxbarashada ah, xagga laydhka ah iyo xagga biyaha ah si ay ugu kabaan noloshooda maadama qaarkood konton dollar qaataan”

Leave a Reply