“Maxay Soomaaliya Doorasho uga dhici laadahay?”Wasiir Kaahin

0
816

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isbar bardhig ku sameeyay sababta ka danbaysa in dowladnimada Soomaaliya hana qaadi waydo, Somaliland na ku guulaysato in ay dhisto dowlad doorashooyina qabata.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Somaliland doorteen, in ay heshiiyaan oo dowlad dhistaan, isla markaana nidaamka iyo kala danbayta iyo dimuquraadiyada ka jirta Somaliland ay tahay rabitaan shacab, isagoo sheegay in sida mid lamida looga baahan yahay Soomaaliya.

Wasiir Kaahin isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Maxay Somaliland maanta dowlad u tahay?, maxay Somaliland 7 doorasho uga dhaceen?, maxay Somaliland 5 madaxweyne isku badaleen?’Maxaa saddex ka mida ah doorasho loogu doortay? Maxaa saddexda ka mid ah mid ka mida min laba jeer doorasho loogu doortay? Madaxay adduunyada oo dhani uga markhaati furtay?”.

Wasiir Maxamed Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu istaas ku daray.”Maxay Soomaaliya doorasho uga dhici wayday?, saw su’aal u baahan in la is weydiiyo maaha, sow su’aal u baahan in jawaab loo helo maaha? Waxa weeyaan kaliya dad keena ayaa fahmay, kaliya dadkeena fuliyay, kaliya dadkeena ayay la noqotay, in aynu nidaam dowliga ahaana waa  ay inoo shaqeeyaan, madaxweyne kasta oo soo marayna waa uu shaqeeyay,”

“Waxaan arkayay dad Xamar u hanqal taagaya, barnaamijyada Xamar laga wadana waxaa ka mida kuwa la yidhaaho is dhexgalka, masuuliyiinta Xamar waxaan leeyahay intaad aad leedihiin, kuwa Hargeysa iyo Muqdisho ayaanu is dhexgelinayna kuwa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa is dhexgal idiinka baahan,”Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

 

 

Leave a Reply