Si loo joojiyo faafinta warka beenta iyo isku dirka bulshada magaalada Benalunan ee dalka Filipin oo caasimadda dalkaasi u jirta 200 km ayaa soo saartay xeer ay ku ciqaabayso qofka shaqo ka dhigta isku dirka iyo iska horkeenka bulshada.
Maamulayaasha magaalada ayaa sheegay inay dadka qaarkood ka dhigteen wax caadi beenta iyo isku dirka bulshada, iyagoo fafiya warar been ah oo keni kari nacayba iyo isku dhac bulsho.
Haddaba masuuliyiinta magaaladan ayaa soo saaray sharci ciqaab ah oo lagu fulinayo dadka lagu helo arinkan. Waxaana ay sheegeen in ciqaabkaasi oo uu noqon doono inay magaalada ka nadiifiyaan dhamaan xashiishka iyo qashinka wadooyinka yaalla ilaa inta ay magaalada nadiif noqonayso.
Waxa kale oo intaasi u dheer in ganaax lacageed la saari doona qofka lagu helo denigaasi isku dirka ah, ganacaasi o noqon doona mid aad dhib ugu ah. Waxaana ciqaabkan looga jeeda si aanu qofku mar danbe u abuurin iyo isku dirka dadka, oo loogu noolaado deegaan aamin ka ah beenta iyo isku dirka oo ah laba ficil oo walaalo ah, aadna u xun oo qof kasta dhibaya. Ugu danbayna :” Iska ilaali carabkaaga si aanu kuu qaniin waayo waa mas”