Dugsiga Guryo-samo oo Munaasibad u Qabtay ardayda dugsigaas ee Kaalmaha hore ka galay …

0
362

Hargeysa (Dawan) Dugsiga hoose dhexe ee Gurya-samo ee magaalada Hargeysa, ayaa munaasibada u qabtay ardayda dugsigaas ee Kaalmaha hore ka galay imtixaankii shahaadiga ahaa ee 2020 ilaa 2021.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay barxada dugsiga hoose dhexe ee Guryo-samo, oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan, oo ka socday waxbarashada, xafiiska imtixaanaadka, wasiirka hore ee dhaqanka iyo dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf, maamulka iskuulka, waalidiin, iyo ardayda iskuulka, ayaa lagaga hadlay qiimaha waxbarashadu u leedahay ubadka, faa’iidada laga helo waalidka iyo iskuulku marka ay isku xidhnaadaan, waxaa kale oo fariin loo diray ardaydii hore uga aflaxday iskuulka Guryo-samo oo la xusay in qaar badan oo ka mid ahi ka mid yihiin masuuliyiinta dawladda, in ay dugsigoodii dib ugu soo laabtaan, oo baahiyaha iskuulka ka jira wax kala qabtaan maamulaha iskuulka.

Dhinaca kale maamulaha dugsiga hoose dhexe Guryasamo ee magaalada Hargeysa, ayaa waalidiinta u soo jeedisay in ay ubadkooda ka daba yimaadaan, maamuulka iskuulkana la xisaabtamaan, waxbarashada ubadkoodana ogaadaan, isla markaana gacan ka gaystaan horumarinta dugsiga Guryasamo ee ubadkoodu wax ka bartaan.

Ugu danbeyn waxaa shahaadooyin iyo abaalmarino la guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee 2020 ilaa 2021 ee dugsiga hoose dhexe ee Guryo-samo.

Leave a Reply