Keyse Laangadhe oo sheegay in Magaca Marxuun Axmed Mooge Liibaan uu ka Weyn mid  lagu Shaxaad tago

0
492

Hargeysa (Dawan) Kayse Xariir Xadunle oo ka mid ah bahda fanka Somaliland, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Fanaanka Maxamed Cabdi Abokor (Alta), waxaanu ku waaniyay in aanu taariikhda been ka sheegin, isla markaana aanu sheegan taariikh aanu lahayn oo ka gadisan ta uu leeyahay.

Waxaa kale oo Keyse Xariir intaas ku daray wareysi Alta siiyay Wariye Khadar Maxamed Cakuule, oo uu kaga been sheegay marxuum Axmed Mooge Liibaan iyo guddoomiyihii gobolka Waqooyi Galbeed ee sideetaanaddkii Ibraahin Cabdi Nuur Af-gaab,  labadaasi marxuun oo taariikh aan soo kala marin uu ka sheegtay.

Ugu danbeyn Keyse waxa uu ka hadlay xukun dilla oo uu sheegay Alta in lagu xukumay in aanu waxba ka jirin, isla markaasna xadhigiisu ahaa mid fudud oo ay u iibiyeen kooxda Dannaan, kana bixiyeen boqol kun oo shilin Soomaali ah oo wakhiga joogay, magaca Altana iyagu u bixiyeen, ahaana wiilkoodii yaraa ee ay waxbareen, intu Hargeysa joogayna Hudheeladii ay dejiyeen uu ku jiray markii danbe uu u wareegay adeerkii Aways Geedow.

Leave a Reply