0
363

 

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood Fahiima Jaamac Faarax, ayaa ugu baaqday xukuumadda Somaliland gaar ahaana masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka in si deg deg ah loogu keenno qalabka ICU-da oo ay baahi weyn u qabaan.

Waxaanay agaasimuhu wax aad looga xumaado ku tilmaantay in cusbitaalka guud ee magaaladda Ceerigaabo oo dhismihiisa qaybta ICU-da isku mar la bilaabay cusbitaalka Laascaanood in cusbitaalkii Ceerigaabo qalabkii iyo daawadiiba loo dhamaystiray.

Hase yeeshee cusbitaalka Laascaanood aan ilaa hadda wax qalab iyo daawo ah toona aan loo keenin, isla markaana aanay ogayn sababta keentay in cusbitaalka Laascaanood laga reebay ka Ceerigaabo oo qorshuhu ahaa in isku mar loo geeyo.

Dhismaha la qorsheeyay in la dhigo oo uu ku shaqeeyo qalabka ICU-ga ee lagula tacaallo dadka u baahan gargaarka deg deg ah ayay agaasimuhu sheegtay in laga maalgelinayay sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF.

Waxaanay wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka Xasan Gaafaadhi, ugu baaqday inuu si deg deg ah uga hawl gallo sidii uu cusbitaalka Laascaanood u heli lahaa qalabkaasi kaga maqan SDF.

Waxaanay tidhi, “Waxaanu doonaynaa, oo hankayagu yahay, in aanu addeegyo cusub cusbitaalka ku soo kordhino, oo aanu meel aad u weyn gaadhsiino, oo aanu ka shaqaysiino qaybo badan oo naga xidhan. Sida ICD-ga, oo qalabkii SDF naga maqan yahay, kun jeer na aan u sheegnay wasaaradda caafimaadka iyo wasiirradii markii hore joogay”.

“Waxaanu aad uga xun nahay, qalabkii in aan la noo keenin, maadaama cusbitaalka Ceerigaabo, iyo cusbitaalka Laascaanood, isku mar dhismaha loo bilaabay, oo SDF dhistay. Hadana waxaanu og nahay in cusbitaalka Ceerigaabo qalabkii oo dhamaystiran iyo daawadiiba loo keenay. Garan mayo waxa cusbitaalka Laascaanood ka reebay” ayay tidhi marwo Fahiima Jaamac Faarax.

Agaasimuhu waxa kaloo ay sheegtay in wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadku uu ku dedaalay sidii cusbitaalka guud ee Laascaanood uu qalabkaasi ICU-d au heli lahaa. Balse aanay ilaa hadda ogayn sababta fulinta hawshaasi ay xukuumadu ugu guulaysan wayday.

Maadaama oo cusbitaalka guud ee magaaladda Ceerigaabo oo isku mar loo dhisay qaybta qalabka ICU-du loona fuliyay, iyagoo ay cusbitaal ahaan helitaanka qalabkaasi baahi weyn u qabaan.

Waxaanay ka codsatay wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi, in deg deg loogu keenno qalabkaasi oo ay baahi weyn u qabaan. “Waxaanu baaq u diraynaa wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka, ee hadda la keenay Xasan Gaafaadhi, in aanu ugu baaqo, waanan u iman doonaa, waanan u hanbalyaynayaa. Waxaan doonayaa inuu hawshaa SDF nagaga maqan, ka hawl gallo.

Maadaama wasiirradi hore ay waxba keeni waayeen, inuu noo keenno. Inkastoo wasiirkii hore uu ku dedaalay inuu keenno. Laakiin, garan mayo sababta? Ma xagga dawladaa? Ma xagga kalaa? Waan ka xumahay, in cusbitaalkii Ceerigaabo oo la qalabeeyay, iyo cusbitaalkii Laascaanood oo aan la qalabaynin. Baahidiina aanu u qabno, in deg deg na loogu keenno ayaanu jecel nahay.

Qaybaha aanu soo kordhinayno ayuu ka mid yahay qaybta ICU-du” ayay tidhi agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood marwo Fahiima Jaamac Faarax.

Geesta kale agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood waxay faahfaahin ka bixisay addeegyo cusub oo ay doonayaan in ay dhawaan ku soo kordhiyaan cusbitaalka, sida qaybta daryeelka hooyadda iyo dhalaanka iyo qaybta qaliinka guud.

Waxaanay tidhi “Addeegyadda kale ee aanu doonayno in aanu dhakhso u keenno, waa dhakhtarkii Qaliinka guud, dhakhtarkii Dumarka u khaaska ahaa (pediatric) haddii ALLE SWT idmo. Haayadda IOM ayaana hawshaasi wadda, oo aanu ka sugaynaa in ay sanadka soo socda keenaan, oo ay dhamaato”.

“Waxaa beryahan danbe aad u soo korodhay in hooyooyinkii ay aad ugu umulayaan cusbitaalka, waxaana la nooga baahda, oo hooyo waliba u baahatay, qol u gaar ah, oo ay ku raaxaysato, oo keligeed ah, iyada iyo intii ku soo booqanaysa. Qolalkaasina waanu diyaarinay.

Waxaanan bulshadda reer Laascaanood ugu bushaaraynayaa, hooyo waxaan kuu diyaarinay qolkii aad u baahnayd, ee aad aad ku raaxaysan lahayd, oo kelidaa ah, oo ah qolalkii kiradda ahaa ah (payment ward) oo lacag ah, oo ka jaban qiimaha ay qaadaan cusbitaaladda gaarka loo leeyahay, ayaanu kuu diyaarinay” ayay tidhi Fahiima Jaamac Faarax.

Dhinaca kale marwo Fahiima Jaamac Faarax, waxay sidan ka sheegtay munaasibad xadhiga lagaga jarayay qayb cusub oo lagu soo kordhiyay addeegyadda uu bixiyo cusbitaalka Laascaanood.

Waxaana addeega cusub ee cusbitaalka guud ee Laascaanood lagu soo kordhiyay xadhiga ka jaray badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ay wehelinayeen agaasimaha cusbitaalka, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool iyo masuuliyiin kale.

Qaybtaasi oo ah qaybta hagaajinta, sifaynta, cusboonaysiinta iyo gelinta Ilkaha, kaasoo ay baahi weyn u qabeen bulshadda magaaladaasi, taasoo ay bulshadu baahi weyn u qabeen oo muhiim ah, isla markaana qalabkii lagaga shaqaynayay oo aad u casri ahna la keenay cusbitaalka.

Sidoo kale waxaa qaybtaasi cusub waxaa la keenay dhakhaatiirtii ka shaqaynayay, iyadoo addeegaasi uu ka kooban yahay kabista Ilkaha, buuxinta, saarista, iyo sifaynta oo qiimo aad u jaban ah.

Sida ay sheegtay agaasimaha cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood Fahiima Jaamac Faarax, oo hadal ka jeedisay munaasibad loo qabtay xadhig ka jarista qaybtaasi cusub ee ay soo kordhiyeen.

“Waxaa maanta (shalay) farxad weyn ii ah, in aanu xadhiga ka jarayno qayb cusub oo aanu cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood ku soo kordhinay, oo muhiim u ah dadweynaha, in badan-na ay na waydiinayeen, oo ah qaybtii Ilkaha.

Qalabkii oo dhamaystiran, iyo dhakhaatiirtii ka shaqaynayay, in maanta xadhiga laga jarayo. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay. Waxaanan dadweynaha reer Laascaanood u sheegayaa, in cusbitaalka guud ee magaaladan Laascaanood aan ugu diyaarinay qaybtii Ilkaha.

Qaybo badan-na uu qabanayo, haday kabista tahay, haday buuxinta tahay, haday xidhista tahay, iyo haday dhaqista ama maydhista tahay, dhamaanba haw loo dhan loo qabanayo. Cusbitaalka guud wuu ka jaban yahay qiime ahaan, cusbitaaladda gaarka loo leeyahay isagoo dadkiisa u naxariisanaya”.

Leave a Reply