Madaxda Baanka Dhexe oo la Kulmay Wefdi ka Socda Itoobiya

0
331

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL Mudane Cali Cabdilaahi Daahir iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mudane Mukhtar Cabdi Quule ayaa kulan la yeeshay madax ka socotay Baanka Abyssinia ee dalka Itoobiya.

Kulanka oo Madaxda Baanka Dhexe ay ku weheliyaan Agaasimaha waaxda siyaasada Lacagta Mudane Maxamed Cabdilaahi Cali, Agaasimaha Waaxda Kormeerka Haay’addaha Maaliyaddeed, Mudane Abshir Cabdi Axmed iyo Agaasimaha Waaxda Dabagalka Dhaqdhaaqayada Maaliyadeed Mudane Mowliid Faarax Muuse ayey ku qaabileen weftiga ka yimi dalka Itoobiya oo uu Hogaaminayey Mr Misganaw Habte oo ah Madaxa Cilmi Baadhista Suuqayada iyo Horumarinta Wax Soo-saarka ee Abyssinia Bank, isla markaana wehelinayeen ganacsato reer Somaliland ah .

Ujeeddada waftiga Itoobiya ee Baanka Abyssinia ayaa la sheegay inuu la xidhiidhay sidii Bank Abyssinia xafiis uga furan lahaa Somaliland, ka dib markii la sheegay inay daraasado ku soo sameeyeen hanaanka dhaqaalaha dalka iyo fursadaha Baananka Ganacsiga u banana, uguna soo biiri lahaayeen saaxada Bangiyadda Somaliland, sida lagu baahiyey qoraal Baanka Dhexe ku baahiyey barta Facebook.

Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mr Mukhtaar Cabdi oo kulan la yeeshay wefdiga ayaa faahfaahin ka siiyey fursadaha iyo baahiyaadka suuqyadda dhaqaalaha Somaliland ka jira.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL ayaa sharaxaad ka siiyey wefdiga Baanka Abyssinia shuruudaha loo baahan yahay furashada Baanka ee Somaliland isla markaana sharaxaad ka siiyey xaaladda guud ee dhaqaalaha dalka

Wefdiga ka socday Baanka Abyssinia oo Madaxda Baanka Dhexe kulanka su’aalo muhiim ahaa ku weydiiyey ayaa dhamaan si waafi ah looga bixiyey jawaabahooda xohagii ay danaynayeen.

Weftiga Bank Abyssinia ee Itoobiya ayaa uga mahadceliyey Madaxda Baanka Dhexe iyo saraakiishii kale soo dhoweynta fiican, isla markaana Mr Misganaw Habte ayaa hoosta ka xariiqay in Baanka Abyssinia ka go’an tahay inay laan ka furtaan Somaliland mustaqbalka dhow, Hadii Ilaah yidhaahdo.

 

Leave a Reply