Macalinka Khaayinka Noqday Iyo Maxkamadda Ku Socota!

0
260

ku yaalla Pordenone ee dalka Talyaniga, ayaa muddo 3 sano ah oo shaqada macalinimada ku jiray  fasax qaatay 769 maalmood.

Isugeynta maalmaha 3 sano ee shaqada macalinimada laga sugayay ayaa noqoday 1050 maalmood.  Arintaasi ayaa muujisay xataa in aanu hal maalin ka shaqayn dugsiga, madaama maalmaha fasax ee ku jira 3 sano ay dhan 312 maalmood, sida maalinta Sabtida iyo Axadda oo dugsiyadu fasax yihiin.  (769 + 312= 1081 malmod)

Macalinkan ayaa fasax sabab uga dhigay in uu xanuunsanyo iyo mararka qaarkood daryeelka caruurtiisa. Isagoo Dhakhtarka qoyskiisa oo ku sugan magaalada Agrigento, Sicily, ka soo sexaaxday warqada cadaynta bukaanka. Waxaana uu ka dhigay Cadaymo u muuqday waraaqo caafimaad oo sharci ah.

Lacagta mushahar ahaan uga qaatay dugsiga mudada 3 sano ayaa noqotay $ 114000, waxa kale oo la siiyay lacag dhan $ 15000, si looga taageero xanuunada uu sheeganayay si uu isugu daryeelo.

Si kastaba ha ahaatee, howshan sharci darrada ah ee baaxadda leh, waxa ay soo shaac baxday markii saaxiibbadii ay go’aansadeen inay booliska ku wargeliyaan in sababta dhabta ah ee ka dambeysa maqnaanshihiisa dugsiga aanay ahayn xanuun laakiin uu goob kale ka sheqeeyo.

Baadhitaankii booliiska ka dib, waxa soo baxday in uu la-taliye ahaan ugu shaqaynayey saddexdii sannadood ee u dambeeyey shirkad kale. Isagoo Wakhtiga macalinimada sheeganayay in uu xanuunsanayo ama hayo shaqada aabbaha ee xanaanayta caruurta. Baadhista ka dib waxa soo ifbaxday in boolisku xaqiijiyeen in uu xataa safaro ugu bixi shirkadda ka dib markii ay hubiyeen dhaqdhaqaaqiisa mudadaasi sida  ballansashada hoteelka. Waxaana ku socota maxkamadiisa. (news18.com) By Haybe

Leave a Reply