Xikmadaha Maanta!

0
884

Denbiyada waxa asal u ah oo keena Kibirka iyo xasadka. Kibirka iyo xasadka isku lamaani waa ka Ibliis Naarta geliyay. Markii Allah (sw) Faray ٍ Sujuudda Aadam. Waxa uu ku jawaabay “ Aniga ka khayr badan” Taasina waa xaasid iyo kibir isku lamaan.  Adam (cs) waa xaasidyay, Amarka Allah (sw) waa diiday oo waa kibir.

Jacaylka iyo  in Aduunyada lagu dadaalo waa kii ka soo saaray Janada Nebi Adam (cs). Xasadka walaaluhu waa ka sababy in Nebi Adam (cs) wiilkiisa (Qabiil)  uu dilo walaalkii  (Habiil).

Caalamadaha liibaanta iyo nolosha qofka ee wanaagsan waxa ka mid ah : Mar kasta oo adoonka uu u korodho cilmi waxa u kordha tawaaduc iyo is dhul dhiga aan kibir lahayn, mar kasta oo u kordho aduunyona waxa bata taxadarkiisa iyo cabsidiisa uu Allah (sw) ka baqanayo, mar kasta oo ay u kordho sharaf iyo derejona waxa u siyaada usii dhowaanashaha uu dadka usii dhowaanayo iyo buuxinta baahiyahooda.

Wanaag waxa helay qofka kaga mashquula ceebihiisa , ceebaha  dadka kale. Waxaana jabay kan ilooba ceebihiisa oo u banbaxa sheegidda ceebaha dadka kale isagoo kuwiisu ka badan yihiin.

Leave a Reply