Financial Times oo Warbixin Dheer ka qoray Dedaalka ay Somaliland ugu Jirto Qaddiyadda Aqoonsi Raadinta

0
419

Hargeysa (Dawan)-Wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Financial Times ayaa qoray warbixin ku Wajahan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dedaalka ay muddada soddonka sannadood ah ugu jirto aqoonsiga caalamiga ah.

Warbixintaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu Wargeysku ka hadlay Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ahayd Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo cisbitaal ka sameysay magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay xasuusato xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay Mandaqada oo lagu sameeyey dadkeeda reer Somaliland.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay sheegtay in taliskii Siyaad  Barre uu dilay 200 oo Kun oo qof oo reer Somaliland ah,kuwaasi oo doonayey xornimo Sideetamaadii.

Marwo Edna Aadan waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal lagu xushmeeyo bini’aadanimada, waxaanay tilmaantay inay Somaliland istaahisho aqoonsi caalami ah.

Wargeyska Financial Times wuxuu sheegay in tan iyo markii ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya saddon sannadood ka hor, ay ku guulaysatay inay qabato doorashooyin dimuqraadi ah, oo soo jiitay inay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay maalgeliso marsadda Berbera, waxaanu warsiduhu tilmaamay in  madaxda Somaliland ay sheegeen in maalgashigaasi ka dhigan yahay jidkii lagu heli lahaa ictiraaf caalamiya.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku dooday in sannadkan 2021ka ay fajiciso tahay in dal aan la aqoonsayni uu si caadi ah u shaqeeyo.

Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha Xawaalada WorldRemit ayaa ugu deeqay Somaliland $500 Milyan oo doolar oo lagaga shaqeynayo adeegyada Waxbarashada,Caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ismaaciil wuxuu warsidaha Financial Times u sheegay inay nasiib darro tahay  inay mid ka mid ah dawladaha ugu dimuqraadisan Afrika loo diido aqoonsi caalamiya, waxaanu xusay inay Somaliland ku guulaysatay dib u dhiska dalkeeda.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa u sheegay Financial Times in dal kale oo Afrika ah aanay ka suurtogelin in ciddii laga tirada badnaa ay noqota kuwa ugu tirada badan.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun waxa uu shaaciyey in shacbiga Somaliland ay fahmeen macnaha dimuqraadiyadda, isla markaana uu ku rajo weyn yahay in Somaliland lagu aqoonsado waxyaabaha ay qabsatay.

Financial Times wuxuu sheegay in Somaliland ay xafiisyo ku leeyihiin UK, Turkiga, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya oo Bishan xafiiskeedii diblomaasiyada ka furatay Somaliland.

Leave a Reply