Komishanka Tamarta oo Tabobar U Qabtay Shirkadaha Adeegga Korontada Bixiya iyo Shaqaalaha Komishanka.

0
300

Hargeysa (Dawan) – Komishanka tamarta ee Somaliland ayaa tabobar hal maalin ah u qabtay shirkadaha adeegga korontada bixiya iyo shaqaalaha komishanka.

Tabobakarn oo uu soo qaban qaabiyay komishanka tamarta Somaliland ayaa waxa kasoo qayb galay shirkadaha bixiya adeegga korontada ee magaalada Hargeysa, ugu horreynna waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha komishanka tamarta ee Somaliland Axmed Cadarre iyo agaasimaha guud ee komishankaasi, waxaana ay sheegeen in tabobarkan kooban ay u qabteen sidii shaqaalaha komishanka iyo shirkadaha adeegga korontada bixiya ee gobolka Maroodijeex ay sare ugu qaadi lahaayeen aqoontooda iyo xirfaddooda la xidhiidha aagga korontada iyo siday dunidu hadda u adeegsato.

Waxaana ay intaas ku dareen in shaqaalaha lagu tabobaray siday u shaqeeyaan qaar ka mid ah hay’adaha korontada ee caalamka, isla markaana la baray xirfad ahaan sida loo maamulo korontada.

Gebogebadii qaar ka mid ah shirkadaha adeegga korontada bixiya ee magaalada Hargeysa ayaa uga mahadceliyay komishanka tamarta ee Somaliland tabobarkaasi, kaasoo ay tilmaameen inay faa’ideyn aqoon wax ku ool ah oo la xidhiidha aagga tamarta. Waxaana ay ugu baaqeen mas’uuliyiinta komishankaasi in mustaqbalka ay soo agaasimaan tabobaro la xidhiidha adeegga korontada.

Leave a Reply