Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha oo Qaabilay Wefti ka Socday Baanka Horumarinta Jarmalka

0
318

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda huromarinta beeraha Somaliland,  Mudane Maxamed Xaaji Cismaan, iyo  agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, mudane  Rooble Cabdi Muuse ayaa qaabilay wefti ka socday bangiga horumarinta ee dalka Jarmalka ee KFW oo uu hoggaaminayay madaxa Bangiga ee bariga Afrika Florian Rabe.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay mashaariicda horumarinta ee dawladda Jarmalku ka taageeryo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kuwa dhaqaalaynta ciidda iyo biyaha oo ay Qaranka uga wakiil tahay wasaaradda horumarinta beeruhu.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerka fulinta mashruuc, laga fuliyo gobolka Maroodi-jeex oo gabo-gabo ku dhaw, waxqabad weyn oo daryeelka Deegaanka iyo wax-soo-saarka ahna ku soo kordhiyay Deegaanka laga fuliyo.

Shirka ayaa sidoo kale lagaga gorfeeyay  mashruuc  weyn oo ah wejigii labaad, lagana bilaabi doono dalka sannadka cusub ee 2022-ka.

Shirkaas baa ku soo dhammaaday is afgarad, tiiyoo wafti uu wasiirku hoggaaminayaa kormeer ku soo Mari doonan deegaanada laga fuliyo mashruucaas.

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 2 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 1 person, sitting and indoor

May be an image of 3 people

May be an image of 2 people and people sitting

May be an image of 3 people and people sitting

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and people standingMay be an image of standing and indoor

May be an image of 3 people, people sitting and indoor

May be an image of 1 person

May be an image of 4 people and people sitting

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

 

Leave a Reply