Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hadlay Xildhibaan dhaawac loo geystay

0
581

Hargeysa (Dawan) Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Saciid Mire Giirre ayaa ka hadlay fal dhaawac ah oo shalay  Xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland loogu geystay magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Saciid Mire Giirre oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay falka dhaawaca ee Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, uu  u geystay Xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf Guruuje, kadib markii uu soo gaaday.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in la soo qabto Suldaan Saleebaan oo gacanta ula tegay Xildhibaan Guruje, isla markaana sharciga la horgeeyo, maaddaama uu dhaawac geystay.

Falka uu gaystay Suldaan Saleebaan ayuu tilmaamay inuu yahay wax laga xumaado, isla markaana uu dhibaateeyay Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo xanaanad leh, isaga oo cambaareeyay wixii dhacay.

Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa dhaawac uu kasoo gaadhay Madaxa oo uu hangool kaga dhuftay Suldaan Saleebaan, kadib markii dhawaan ay hadalo isu mariyeen warbaahinta madaxa bannaan.

Guddoomiye Giire isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Saaka waxaa gudaha magaalada Hargeysa ka dhacday dhacdo lagu faro saaray, xildhibaan Qaran oo xasaanad leh, xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf (Guruje), dhaawac qabba, gacan ka hadal loola tagay, sida sharciga waddanku xusayana haddii gacan ka hadal dhaco danbi ayaa dhacay, intaan loo iman xasaanada, mar haddii gacan ka hadal dhaco oo qof qof waxyeelo sharcigu waxa uu qaba in qofka wax dilay ee wax gaystay sharciga la horkeeno.

Waxaa intaas dheer xildhibaanku waa xildhibaan Qaran, xasaanad ayuu leeyahay, danbiga dhacayna maaha danbi qof laga galay ee waa danbi golaha laga galay, waad aragtaan dareenkii xildhibaanada oo dhan, hadda halkan ayay wada joogaan, aad ayaanu marka koobaad arrinta u canbaaraynayna oo aanu uga xunahay, in xildhibaanadii dalka ee la soo doortay ee dalka iyo Qaranka u ahayd inay sharciga u sameeyaan gacan la saaro aad iyo aad ayaanu uga xunahay, dhab ahaantiina waa wax laga xumaado.”

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku baaqay in la soo qabto Suldaan Saleebaan oo gacanta ula tegay Xildhibaan Guruje, isla markaana sharciga la horgeeyo, maaddaama uu dhaawac geystay. “Waxa aanu rabbnaa oo aanu u codsanayna si ixtiraam leh, in si deg deg ah loo soo taago ninkii odayga ahaa ee gacanka hadalka gaystay, in la soo xidho oo sharciga la horkeeno.

Wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka booliska, wasiir ku xigeenka abniga, waxaanu rabna arrintaas oo runtii aad aragtaan dareenka xildhibaanada iyo ka shir-guddoonba aanu aad uga xunahay oo haddii ay taasi dhacdo aanay noqon karin iyada oo xildhibaanadii shaqadii Qaranku dalka u hayeen guteen, iyada oo dawladdnimadu tahay hal kaliya, oo isku mida oo laamo kala duwana oo sharcidejintii iyo fulintiiya, aad ayaanu uga xunahay oo waanu canbaaraynaynaa.

Waxaanu wasiirka amniga iyo cidda ay khusayso aanu ka codsanayna in ay sharciga horkeenaan, ciddi danbiga gaysatay”

Leave a Reply