Xukuumadda Somaliland oo Ruqsadii kala Noqotay Tiradii ugu Badnayd oo Urruro Maxaliya

0
764

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, ayaa maanta si rasmiya  ruqsaddii ugala noqotay 2284 urur (LNGOs) iyo dallado oo maxali ah, kuwaas  oo ka hawl gali jiray dalka, isla markaasna sidaa ay sheegtay awoodi waayey in ay hawlahoodii si joogto ah u wadaan oo ay dib-u-cusboonaysiistaan ruqsaddoodii ay ku shaqayn jireen.

Sidoo kale wasaaraddu waxaa ay ku wargelisay cidkasta oo ay wada shaqeyn la lahaayeen ururada maxaliga ah ee ruqsada lagala noqday, in aanay ahayn kuwa u diwaangashan wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, isla markaana aanay haysanin sharci ay dalka kaga sii shaqayn karaan.

Warkan ay soo saartay wasaaradda Qorshayntu oo soo gaadhay xafiiska warqabadka wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sidan.“Waajibaadka Qaran ee ay u xilsaaran tahay wasaaradda Qorshaynta îyo harumarinta Qaranka waxa ka mid ah diiwaangelinta, kala-xadaynta, la-talinta, ruqsad kala noqoshada iyo horumarinta ururadda maxaliga ah ee aan dawliga ahayn (LNGOs).

Waxa kale oo waajibaadka saaran wasaaradda ka mid ah, in ay soo saarto diiwaan sax ah oo sheegaya tirada ururadda sida sharciga ah uga hawl gala dalka iyo mashaariicaha ay fulinayaan.

Sidaa daraadeed, wasaaraddu iyada oo raacaysa waajibaadkeeda saaran waxa ay ruqsaddii kala noqotay 2284 urur (LNGOs) iyo dallado oo maxali ah, kuwaas oo ka hawl gali jiray dalka, awoodi waayeyna in ay hawlahoodii si joogto ah u wadaan oo ay dib-u-cusboonaysiiyaan ruqsaddoodii ay ku shaqayn jireen.

Waxa aan la socodsiinayaa cid walba oo ay wada shaqayn jireen ururadan in maanta laga bilaaabo aanay ahayn ururo u diiwaan gashan wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland,  islamarkaana aanay haysanin sharci ay dalka kaga shaqeeyaan.”

Qoraalkan waxaa ku saxeexna wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Badde.

No photo description available.

Leave a Reply