Maayarka Caasimada oo ka Hadlay Horumarka Hargeyska

0
616

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa ka hadlay horumarka ay ui baahan tahay magaalada Hargeysa iyo muhiimadda ay magaalada u leedahay olalaha Nadaafadeed ee ay ka fuliyaan maalin kasta oo Khamiisa.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa waxa uu sheegay in gurista Qashinka ay hor-dhac u tahay Hargeysa oo Nadiifa, waxaa intaasi ku daray in looga baahanyahay shacabka in qashinka ku qabaan meesha loogu talo galay.

Cabdikariim Mooge oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Bari oo Khamiisa waa Maalintii dadka reer Hargeysa usoo bixi jireen in Magaaladooda Nadiifiyaan,xigmada ku jirta Olalaha in Khamiis kasta qashinka iska gurno waxa weeye waxa ay doonaynaa in Degmo kastaa iskeed isku maamusho oo ay iska gurto qashinka yaala.Degmo Nadiifa waxa ay hor dhac u tahay Hargeysa oo Nadiifa Qashinka yaala Magaalada Hargeysa oo aad u faro badan ayaa waxa aanu yaqiin saday in Shirkadaha kaligood ku filnaan karin gurista qashinka,Khamiista waa Maalinta caawisa guritaanka Qashinka yaalay Magaalada qof kastaaba waa in uu ku tuuro qashinka meelaha loogu talo galay ee ku haboon,waxaana aan ka filayaa qof kasta in uu ka qayb qaato Olalaha Nadaafada ee Degmadiisa.waxaana Xafiiska dhexe ee Dawlada Hoose shaqaalaha waxa ay nadiifin doonaan Nawaaxiga Biriijka Hargeysa iyo Xaafada Biibsiga,”.

Leave a Reply