Shir Nabadeed oo lagu soo Gabagabeeyay Ceel-Afwayn

0
361

Ceel Afweyn (Dawan)- Degmada Ceelafweyn ayaa lagu soo gebagebeeyey dedaalo nabadeyn ah oo muddooyinkii u dameeyey lagu dhammaynayey kiisas dil iyo dhaawacyo dhexmaray labada Ardaa ee Axmed Faarax iyo Jibriil Xasan.

Munaasibad balaadhan oo hawsha lagu soo gebagebeeyey ayey ka soo qeybgaleen Maamulka Gobolka Sanaag,  iyo Degmada Ceel-afweyn iyo salaadiin labada beelood ah oo muddo u joogay hawsha nabadeynta ee labada ardaa.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Beelwaynta Habarjeclo codsi ugu soo jeedisay Beelwaynta Garxajis in ninka xidhan diyo laga qaato, codsigaa markaa kala tashanay dadkii qofku ka baxay, waxaanu isla qaadanay in diyadii la qaato

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo madasha hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ka markhaati kacayo in nimanka walaaladeen ee Salaadiinta iyo Cuqaasha leh ee Garxajis ay hawsha si xilkasnimmo, Waayeelnimmo iyo Daacadnimmo leh u galeen, si gobanimmo ahna ka yeeleen, “Waa sidii gobta lagu yiqiin sida Salaadiinta Garxajis ka yeeleen arrinkii u soo axadheen, annaguna sidaa ayaan ku aqbalnay.”

Suldaan Siciid Xaaji Yuusuf Ducaale oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu mahad balaadhan u celinayo, la’aantoodna waxba hagaageen Salaadiinta gurmadka ku timi ee muddada labada bilood u joogay dhamaytirka hawshan

Suldaan Sciiid ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqadii culayd ee Guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo hawlwadeenadiisu ka geysteen dhammaynta hawsha, waxaanu goobti ku bixiyey kharashkii aaska oo kun dollar ah iyo magta horaanteedii 20 halaad oo qiimahoodu yahay 10 kun dollar.

Maayarka Degmada Ceelafweyn Maxamed Ciise Digaale oo hadal ka jeediyey ayaa bulshada degmada ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska la gaadhay oo juhdi badan lagu bixiyey, waxaanu yidhi,“Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan bir ah ku qabataan idinkoo wadajir ah waxii nabadgelyada wax u dhimaya, annaguna maamul ahaan idiin kala shaqeyn doono.”

Taliyeyaasha Qeybaha Booliiska iyo Millateriga Gobolka Sanaag oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay nabad keliya dadka deeqdo, gacmahana isku qabsadaan ilaalinteeda.

Guddoomiyahii hore Gobolka Togdheer Eng Axmed Cismaan Xasan (Timacade) oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay sharaf u tahay isagoo aan weli xilkii wareejin uu sii dhameeyo hawlahii nabadeynta ugu dambeeyey, waxaanu yidhi,

“Labada Ardaa waxaan leeyahay hore ayaad nabadgelyada u saxeexdeen, taa ayaan maanta halkan ku dhamaystiraynaa. Farxad ayey ii tahay anigoon weli xilkii wareejin in colaadii Ceelafweyn iga soo dhamaato.”

Gudoomiyahii hore Sanaag Eng Timacade ayaa ka dalbaday salaadiintii, cuqaashii iyo ergadii ka qeybgashay nabadeynta labada ardaa inay u duceeyaan beelaha heshiiyey iyo isaga-ba.

 

 

 

Wasiirka Maaliyadda oo Dardaaran u Jeediyay Hawl-wadeenada Xafiiska Qaabilsan Ajaanibka Dalka Jooga

 

 

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa kula dardaarmay hawlwadeenadda Xafiiska Wadajirka oo qaabilsan hubinta fiisayaasha iyo in shaqooyinka muwaadiniintu qaban karaan aan ajaanib dibedda looga keenin.

Dr Sacad oo u weheliyo Agaasimaha Guud Mr Maxamed Cabdi Gurxan iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha Mr Axmed ayaa kormeer ku tegay siduu ku shaqeeyo xafiiska adeegyadda wadajirka ee Laanta Socdaalka.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad ayey ku soo dhoweeyeen Xarunta Socdaalka Taliyaha Ciidanka Socdaalka S/Guuto Dayib Cismaan Caalin iyo masuuliyiin ka tirsan laanta Socdaalka.

Xafiiska Adeegyada Wadajira oo ay ku kulmaan hawlwadeeno ka socda Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Laanta Socdaalka ayaa qabta adeegyadda bixinta fiisayaasha, iyo ogolaanshaha ruqsadaha shaqada ee Ajaanibka, ayaa ku shaqeeya hanaanka on-line-ka taasoo lagu ogaanayo wakhtiga ay fiisayaashu ka dhacaan ajaanibka dalka jooga iyo goobaha ay ka shaqeeyaan.

Masuuliyiinta laanta Socdaalka eek a hawlgala ayaa warbin ka siiyey madaxda Maaliyadda hanaanka uu xafiisku u shaqeeyo iyo sida ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada dhamaan ajaanibka dalka jooga.

Dr Sacad oo hadal ka jeediyey ayaa ku amaanay hawlwadeenadda Xafiiska shaqada muhiimka ah ee ay Qaranka u hayaan, kulana dardaarmay inay ka feeginaadaan shaqo muwaadiniinta Somaliland qaban karto in qof Ajaanib ah dibedda looga keeno.

 

Leave a Reply