“Marka ay Hawluhu Bataan, Dhaliisheeduna Way Badataa”

0
313

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdillahi Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday in cusbitaalka Burco fulinayo adeegyadii caafimaad ee bulshadu u baahnayd, waxaanu bulshada Gobolka Togdheer ugu baaqay in qof waliba ka heli doono adeegyada caafimaad ee ay u baahdaan.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo Kormeer kadis ah oo ku tagay cisbitaalka Burco, waxa kormeerkiisa ku wehelinayay Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Togdheer, ayaa indha-indhayn ku sameeyay xaalada Cisbitaalka iyo waadhadhka dadka xanuunka COVID 19 qaba ay yaalaan, iyo sidoo kale qeybta TB-da ee cusbitaalka.

Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Burco Dr Cabdi Suudi oo ka warbixiyey xaalada cusbitaalka ayaa sheegay inuu kormeer kedis ah ugu yimi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Md Maxamed isagoo u kuurgelayey hawlaha shaqo ee cusbitaalka ka socda, “Waxuu Guddoomiyahu soo eegay qeybta lagu daweeyo dadka qaba xanuunka COVID 19-ka, ee karantiinka iyo mishiinka dhaliya Ogsajiinta.”

Agaasimaha Cusbitaalka Burco ayaa sheegay inuu xilligan Gobolka Togdheer ka jiro wejigii saddexaad ee xanuunka COVID, waxaana shaqaalaha cusbitaalku heegan ugu jiraan inay daweeyaan dadka xanuunka ku dhaco,

“Ilaahay mahadii waxa iyaguna badan dadka xanuunka ka bogsanaya ee cusbitaalka ka baxaya. Ogsajiinti way taala, werwer kama qabno, keliya waxaan ka cabsi qabnaa in goobta dadka aanu ka daweynayno nagu yaraato, meeshii labaad imika ayaan diyaarinteeda gacanta ku haynaa”

Isu-duwaha Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf oo hadal ka jeediyey ayaa bogaadiyey shaqada culus ee shaqaalaha Cusbitaalka Burco hayaan, waxaanu yidhi, “Saaka waxaan kormeer ku soo eegnay goobaha shaqada culus ka socoto ee Cusbitaalka Burco, waxaanan diyaarinay adeeg kastoo loo qabanayo bulshada Gobolka Togdheer.”

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md Maxamed Cabdillahi Ibraahim (Nafaqo) oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay kormeer kedis ah ku yimaadeen cusbitaalka Burco iyagoo u kuurgelaya sida loogu adeegayo bulshada Togdheer, waxaanu sheegay marka culayska hawshu badato, ay dhaliilaha laga sheego bataan, waxaanu yidhi, “Marka hawshu badato, dhaliisheeduna way bataan, laakiin waxaan ku soo aragnay in shaqadii si fiican u socoto.

Guddoomiye Maxamed ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Togdheer inay helayaan adeegyada caafimaad ee ay u baahdaan cusbitaalka Burco.

 

 

 

 

 

 

 

Shir Nabadeed oo lagu soo Gabagabeeyay Ceel-Afwayn

 

Ceel Afweyn (Dawan)- Degmada Ceelafweyn ayaa lagu soo gebagebeeyey dedaalo nabadeyn ah oo muddooyinkii u dameeyey lagu dhammaynayey kiisas dil iyo dhaawacyo dhexmaray labada Ardaa ee Axmed Faarax iyo Jibriil Xasan.

Munaasibad balaadhan oo hawsha lagu soo gebagebeeyey ayey ka soo qeybgaleen Maamulka Gobolka Sanaag,  iyo Degmada Ceel-afweyn iyo salaadiin labada beelood ah oo muddo u joogay hawsha nabadeynta ee labada ardaa.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Beelwaynta Habarjeclo codsi ugu soo jeedisay Beelwaynta Garxajis in ninka xidhan diyo laga qaato, codsigaa markaa kala tashanay dadkii qofku ka baxay, waxaanu isla qaadanay in diyadii la qaato

Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo madasha hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu ka markhaati kacayo in nimanka walaaladeen ee Salaadiinta iyo Cuqaasha leh ee Garxajis ay hawsha si xilkasnimmo, Waayeelnimmo iyo Daacadnimmo leh u galeen, si gobanimmo ahna ka yeeleen, “Waa sidii gobta lagu yiqiin sida Salaadiinta Garxajis ka yeeleen arrinkii u soo axadheen, annaguna sidaa ayaan ku aqbalnay.”

Suldaan Siciid Xaaji Yuusuf Ducaale oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inuu mahad balaadhan u celinayo, la’aantoodna waxba hagaageen Salaadiinta gurmadka ku timi ee muddada labada bilood u joogay dhamaytirka hawshan

Suldaan Sciiid ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqadii culayd ee Guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo hawlwadeenadiisu ka geysteen dhammaynta hawsha, waxaanu goobti ku bixiyey kharashkii aaska oo kun dollar ah iyo magta horaanteedii 20 halaad oo qiimahoodu yahay 10 kun dollar.

Maayarka Degmada Ceelafweyn Maxamed Ciise Digaale oo hadal ka jeediyey ayaa bulshada degmada ugu baaqay inay ilaaliyaan heshiiska la gaadhay oo juhdi badan lagu bixiyey, waxaanu yidhi,“Waxaan idiinku baaqayaa inaad gacan bir ah ku qabataan idinkoo wadajir ah waxii nabadgelyada wax u dhimaya, annaguna maamul ahaan idiin kala shaqeyn doono.”

Taliyeyaasha Qeybaha Booliiska iyo Millateriga Gobolka Sanaag oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka inay nabad keliya dadka deeqdo, gacmahana isku qabsadaan ilaalinteeda.

Guddoomiyahii hore Gobolka Togdheer Eng Axmed Cismaan Xasan (Timacade) oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay sharaf u tahay isagoo aan weli xilkii wareejin uu sii dhameeyo hawlahii nabadeynta ugu dambeeyey, waxaanu yidhi,

“Labada Ardaa waxaan leeyahay hore ayaad nabadgelyada u saxeexdeen, taa ayaan maanta halkan ku dhamaystiraynaa. Farxad ayey ii tahay anigoon weli xilkii wareejin in colaadii Ceelafweyn iga soo dhamaato.”

Gudoomiyahii hore Sanaag Eng Timacade ayaa ka dalbaday salaadiintii, cuqaashii iyo ergadii ka qeybgashay nabadeynta labada ardaa inay u duceeyaan beelaha heshiiyey iyo isaga-ba.

Leave a Reply