Lamaane wada socday ayaa suuq ganacsi oo aad u weyn dadkuna ku badan yihiin (big mall) soo galay, markiiba baxaadda suuqa iyo buuqa dadka ayay ku kala ambadeen. Ninka ayaa Muddo ka dhex raadiyay xaaskiisa Moolka, laakiin dadka oo badan awgood waa uu waayay.
Si kedis ayay gabadh qurux badani ugu soo baxday, markaasi ayuu ku yidhi :” Ma kula hadli karaa, daqiiqad keliya”?. Gabadhii ayaa ugu jawaabtay iyadoo yaaban :” Oo maxaad iga rabtaa”?
Ninkii ayaa ku yidhi :” Markaan la sheekaysto gabadh qurux badan isla markiiba waxaan helaa gabadhayda mar kasta oo aanu suuqyada ballaadhan ku kala luno, mana garanyo meel ay ka soo baxdo”. Waad fahmi karta sirta qisadan kooban.