Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada oo Qaabilay Wefti ka Socday Dalka Itoobiya

0
383

Hargeysa (Dawan) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland,  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Jaamacadda Farsamada gacanta ee dalka Itoobiya oo muddo 10 cisho ah ku sugna gudaha dalka Somaliland.

Weftigan ayaa muddadii ay joogeen waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen, dugsiyada Farsamada gacanta iyo Jaamacadaha  dalka.

Waftigan ayaa kulankoodii  u danbeeyay xafiiskiisa kula qaatay wasiir ku xigeenka mudane Cabdixakiin Siciid Bustaale, isla markaana warbixintii Kormeerkoodana siiyay.

Intaa kadibna Wasiir ku-xigeenku Waxa uu guddoonsiiyay hadyado ay wasaaradda waxbarashadu ugu talo gashay weftigaa, weftigan ayaa booqashadaasi iyo kulamadaasi kadib u anbabaxay dalkoodii hooyo.

Somaliland waxaa aad ugu yar goobaha lagu barto farsamada gacanta, taasina waxa ay u baahan tahay baraarugsanaan.

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 5 people, people sitting, people standing and indoor

May be an image of 2 people, people standing and text that says 'Ministry of Education Somaliland Primary Schools'

May be an image of 2 people, people standing, indoor and text that says 'Ministry of Education Somaliland Primary Schools'

May be an image of 2 people, people standing and text that says 'Ministry of Education Somaliland Primary Schools Ceprigrabe'

May be an image of 2 people, people standing and text that says 'Ministry of Education Somaliland Primary Schools Ceprigrabe'May be an image of 2 people, people standing and text that says 'Ministry of Education Somaliland Primary Schools'

May be an image of 2 people and people standing

Leave a Reply