Qaryan Dhoodan iyo tixda Qaydaraan-sudhad: qab-jabkii raadinta Shanta Soomaaliyeed

0
175

Qaskaa iyo Jabuutina markay qaabaddaa arragtay

Waa waxay qoqobaha u xidhayee uga qaxaysaaye

 Labada is qalatee is qadin kii qareensadana

Qawraarin baas laga ridyoo waa qar laga tuurye”Qaryan Dhoodaan.

 

Gabaygan soo socda waxa la yidhaahdaa Qaydaraan-sudhad. waxa curiyey Alle ha naxariistee Qaryan Cabdilaahi Macalin Dhoodaan, xilli ku qiyaasan ilaa todobaadanaadkii ilaa siddeetamaadkii, waxaana gabaygan dhexdiisa uu abwaanku si cad ugu tilmaamayaa luggooyadii iyo hungowgii dadka reer Somaliland kala kulmeen reer Soomaaliya markii ay Dawladnimadoodii xorta ahayd ula tageen ee ay kula biireen.

Waxa uu Abwaanku si aan gabasho lahayn tixdan ugu saafayaa sidii ay reer Koonfurku u curyaamiyeen, una curdin dhadhiyeen riyadii bulshada Soomaaliyeed ee ahayd xoraynta shantii Dhulka Soomaalidu degto u qaybsanaa, waxaanu tilmaanta ku balaadhinayaa in dadka reer Djibouti dib uga faagteen Soomaali-weyn markii ay arkeen sidii reer Somaliland loogu gefay qarannimadii ay u sadqeeyeen israacii ay la galeen Soomaalidii Talyaanigu  gumaysanayey.

Cabdilaahi Macalin Dhoodaan oo kamid ahaa suugaanyahankii xarriirta ahaa ee ka maansoon jiray xoriyadda, dawlad-wanaaga iyo sidii loo heli lahaa umad soomaaliyeed oo ka madaxbanaan aragtiyihii gumaysteyaashii dhulka ka tegay iyo kuwa wali haysta qaybo kamida Dhulka Soomaalida, waxa ay tixdan Qaydaraan-sudhad kamid ahayd gabayo badan oo uu ugu jawaabayey rag hal-abuurka ku tirsanaa oo taageeri jiray nidaamkii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre, kuwaasoo Kacaanka ka qaadan jiray waxoogaa lacag ah, qaarkood ay qabiil ahaan ku daafacayeen.

Sidaasi awgeed, Abwaanku isagoo hal-abuurraddaasi iyo mujtamacaba wax u bidhaaminaya waxa uu gabaygiisa ku bilaabay sidan:

Walow aan qiyaamihii tusayoon qalin jab gaadhsiiyey

    Bal qooraansi waa lagu dayaa toore sii qayane

    Baqalla qayl dameeraa dhaliyo geenyo qurux weyne

    Qabaal weynse uma buuxinine qow yar waan odhane

    Dawac quduf ah iyo dhurwaa qaardanbaha gaaban

    Qarridiyo wixii habar dugaag meel qarfale joogay

    In kastuu qaloonbiyahayuu aad isugu qaylyo

    Qudra ma leh qabkooduna cabbaar hay qurquriyeene

    Qabaabaale aar ihi markuu dirir u qaashaysto

    Qudhyankiisa feedhaha inuu qoonsaday garane

    Qayrabkoodii miidhnaa intaan lagaga qaw siinin

    Qandhuufada libaaxiyo intaan qoobku wali gaadhin

    Qaxootiga baqaha waa inay qabax ka siiyaane

     In kastoon qadhiidhay oon tufayoo gooyey qudhiciiba

    Qufiddiyo qabuuraha markuu qodis ka dayn waayo

    Qabri dhidar wuxuu ugu tagaa shay qalaadya ahe

    Dadkanaga cadaawihii qaldaye qiiqa ugu dhuuntay

    Qodobada xornimadoodi bay uga qisoodaan

    Qulaanquliyo raacsiinta ay nagu qayaamaysay

    Bal maantaan qufaynaa waxay been qobtolayeene

    Qaxar lagu halgamay sheegatiyo dhiig lasoo qubaye

    Haddii Yurub qadhaadh idin badayo qool wax lagu keenay

    Imisay qof Soomaaliyeed qoorta kaga goysay

    Qaladkiyo taariikhahanagood qoroto mooyaane

    Qalqali tuurkii Xamar baa u weyn qoonsi dirireede

    Qalayf kale haddii uu jiriyo qarash la dhiibaayo

    Shacbigiinii ugu qowl adkaa ama wax quudhaayey

    Markay dawladnimadii quntaye Roma laga qaatay

    Xisbigii wax qabanqaabin jiray sow idinkii qadiyey

    War qoladaysigii lagama dayn taad qotomiseene

    Dharaartii qarbigu guuray bay noqotay qaaraane

    Shaqaalihii Fashiitigu qortaye soo qaribay Leego

    Qarqarada waxay igu toleen yaa iskaba qaaday

    Qoomkii la laayey eed haddaba ubaxyada u qaado

    Nimankii qudhooda jaray baa qaadigiina ahe

    Qandhuufana ma gaadhine hadday qooq la doob-dhabiye

    War maa loo qabsado dhiigii way qiran lahaayeene

    Iyagiyo saldanaday qudhqudhin kii la qayr ihiba

    SYL ba nimankii qaribay yaa qadhaabsada e

    Qabiilnimada soow iyaga hunbaday ee qunbaha jiitay

    Raggii qurub kasoo riday wakaa qoodan suuqyada e

    Qisaastiyo maxay uga badeen qoomamiyo ciilka

    SNL qorshihii dawladnimo qurub ka waayeene

    Kolkii madaxdii jeel lagu qabiray quuste dabadeede

    Nimankaa qureesh iyo xor iyo qaali baan nahay leh

    Qaranimo ku faan uma ekee waa qalfoof madhane

    Wixii la isla qolofaadhiyaba waan qarxinayaaye

    Tiina kalee qabowgiyo ku timid qayladiyo buuqa

    Waqooyiba qaneecaadsan waa qaydkii uu helaye

    Lix qaboono calankuu sudhaye qoor-tolka u doontay

    Hadduu luqunta qoob kaga hayaa kii qaraabsadaye

    Qamuunyaa Hargaysaba dishayoo qawlalkaa xidhane

    Qadoodiga markii lagu dirqiyey qiil u bixi waaye

    Qaahira u daaduume iyo qoolasha Carbeede

    War goortay ku qamardaadsatay Qadar u yaaceene

    Qardoofahay Waqooyiga baday yaan qodob yar kaa siine

    Nugaalba qiimaheediyo Taleex waa la quudhsadaye

    Qorshe gobol hadduu jiro xaqu taa ma qadiyeene

    Garbahaarrey waa loo qasbee qeybta ma lahayne

    Qaskaa iyo Jabuutina markay qaabaddaa arragtay

    Waa waxay qoqobaha u xidhayee uga qaxaysaaye

    Labada is qalatee is qadin kii qareensadana

    Qawraarin baas laga ridyoo waa qar laga tuurye

    Raggaa qalaanqal doogeeda iyo qadow kusoo guur leh

    Kuwa uu qamaaminaayaba intuu qaawiyuu furane

    Waxay fadhato qaaqda u hayaan soo qayiran ma aha.

Leave a Reply