“Ma hayno Meel uu Maxamuud Xaashi Ku yidhi WADDANI, ayaan ku biiray,” Xisbiga Waddani

0
251

Hargeysa (Dawan) Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa markii u horraysay ka hadlay warar maalmihii u dambeeyey soo baxayey oo la xidhiidhay in Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi lagu wareejinayo Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Axmed Xirsi Ducaale, oo ah Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga WADDANI, oo arrintan wax laga weydiiyey, ayaa waxa uu ku jawaabay sidan. “Ninkaas siyaasiga ah ee aad magacowday, Maxamuud Xaashi, waa siyaasi reer Somaliland ah, illaa imika lama arag annaguna ma hayno  meel uu ku yidhi  WADDNI ayaan ku soo galay amma soo biiray.

Isaga oo ah Xisbiga Kulmiye noogu dambaysay, siyaasi KULMIYE ka tirsan ayuu ahaa, oo ay is qabteen hoggaanka KULMIYE is hayntoodii KULMIYE noogu war dambaysay, markaa sabab loo yidhaahdo WADDANI ayaa lagu wareejinayaa ma garanayo, wareejinta waxa ka horeysa inuu WADDANI yimaado, oo uu Xisbiga ka mid noqdo.”

Leave a Reply