Taliyayaasha guud ee Ciidamada Booliska, Milatariga Iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka hadlay raafka Laascaanood

0
431

Laascaanood (Dawan) – Taliyayaasha guud ee Ciidamada Booliska, Milatariga Iyo Ilaalada Xeebaha, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in howgalka lagu masaafurinayo dadka ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, uu yahay howlgal lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood.

Taliyaha Qaranka  Somaliland sarreeya gaas  Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ay jecel yihiin shacabka reer Soomaaliya, balse dawladda uun ay is hayaan, isla markaana, umada reer Somaliland tahay umad lagu dhex noolaan karo, sidaasi oo ay tahayna howgalkan ay sababtay sugida amniga gobolka Sool.

Taliye Nuux Taani isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Waxaanu nahay umad uu dadku la noolaan karo, uu dhexgali karo, oo uu la ceeshi karo, horena waa naloo ogaa oo taariikhiyan ayaanu leenahay anagu, inkastoonu kala tagnay haddana  anagu waanu jecelnahay shicibka reer Soomaaliya, dowlada uun baanu is haynaa,  balse shicibka waanu jecelahay, shicibkuna waa ay wada ceeshaan oo waa ay wada nool yihiin.

Arrintan waxa keenay halkan dil badan ayaa ka dhacay, rag badan oo hal door ah ayaa lagu laayey oo ilaa 86 qof ah oo rag iyo dumarba leh.

Si hadaba abniga waddankayaga u sugno oo aanu u ogaano anaga oo aan cidna waxba yeelin xushmad iyo ixtiraamna u hayna dadka reer Baydhabo iyo dadka kale Ajanabiga ahba si sharcafleh inay uga baxaan ayaanu go’aan ku gaadhnay cidna waxba maanan yeelin, cidna maanan hagar daamayn, bals si Sharaf ah ayaanu u saarnay, aanu anagu abnigayaga u xafidno”

Taliyaha Ciidamada Booliiska Somaliland sarreeyo guuto Maxammed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa xusay in dilalka qorshaysan ee sannadihii la soo dhaafay lala beegsanayay haldoorka gobolka Sool ay shabahayeen, dilalka ka dhaca koonfurta Soomaaliya, sida darteedna, ay go’aan sadeen in dadka aan reer Somaliland ahayni ay gobolka ka baxaan.

Taliye Dabagale isna isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Muddo tobaneeyo sanno ah magaalada Laascaanood waxa ka dhici jiray dilal qorshaysan, oo aan ka dhicin dalka intiisa kale, taas oo u egayd mashruucan ka socda Soomaaliya oo Somaliland ka nabad qabto, anaga oo amniga u xilsaaran waxa aanu go’aan sanay in aanu gobolka ka suulino kansarkaa dadkii haldoor ka aha laynaya”

Taliye Daba-gale isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray.”Haddii aanu amniga nahay waxaanu go’aansanay in wixii aan reer Somaliland ahayn, ay gobolka ka baxaan si aanu gunta u gaadhno, iyagoo nabad qabana ay dalalkoodii ku noqdaan”

Taliyaha Ciidamada Badda Somaliland Maxammed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa sheegay in waajibkoodu uu yahay in ay sugaan amniga gobolka, isla markaana, dadku si nabad ah ku ganacsan karaan, kuna noolaan karaan.

Taliye Xiirane isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Waajib kayagu waxa weeyaan in nabad lagu noolaado oo dilalkan la ogaado halka ay salka ku hayaan, ayuu waajib kayagu yahay, dadku in ay nabad ku seexdaan, baabuurtu nabad ku socoto, xoolohooda nabad ku iibsadaan weeyaan, in lasoo afjaro oo waxan la daba galo ayaanu iskugu nimid”

Waxa magaalada Laascaanood ka soconaya howlgal ay hoggaaminayso xukuumadda Somaliland, oo gobolka Sool lagaga tarxiilayo dadka aan reer Somaliland ahayn, ilaa iyo hadda inta la hubo waxaa la mastaafuriyay 700 oo qof oo kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Leave a Reply