Ganacsiga Iyo Suuqa Sixirka!

0
918

Dunida waxa buux dhaafiyay ariimo badan oo yaab leh , sida caadooyin, dhaqano, cuntooyin, dhar iyo xataa suuqyo ganacsi oo mucjiso noqday. Suuqyada ganacsi ee  ugu yaabka badan dunida waxa ka mid ah kan ku yaalla dalka Bolivia waxana suuqaasi lagu iibiya wax kasta oo xidhiidh la leh faalka iyo sixirka, sida xidigiska. Waxa kale oo laga helaa qardhaaso iyo in laga iibiyo sixir dhamaystiran oo aad qof ku wado.

Waxaad suuqan ka iibsan kartaa alaabooyin sixirka xidhiidh la leh sida baalasha shimbirta Guumaysta iyo masas sixiran. Qiimayaasha ayaa kala duwan waxaana ay ku xidhan tahay hadba nooca aad u baahan tahay.

Waxa kale oo suuqyada dunida ee yaabka leh ka mid ah suuq ku  yaalla dalka Kuwayt oo gaar u ah iibinta cadarada iyo wixii xidhiidh la leh. Laakiin haddana suuqan waxaad ka iibsan kartaa waxooga cayayaanka Injirta timaha gasha ah. Waxaana lagu iibiyaa in 6da xabo ee Injirta ah lagaa siiyo 5 Diinaar.

Sababta loo iibsanayo cayayaanka Injirta ayaa ah iyagoo dumarka qaarkood rumaysan in Injirtu ay ka caawinayso inay dheeraadaan timaheedu iyo weliba inay ka hortagto inuu ku dhaco xanuunka dhiig karaka isla markaana timaha xoogayso. Dawladda ayaa isku deyaysa inay baabiiso caadooyinkan yaabka leh ee salka ku haya aqoondarada iyo jahliga..

Leave a Reply