Lix Qof oo ku  Dhaawacmay Shil Gaadhi oo  ka Dhacay Magaalada Burco.

0
512

Burco (Dawan)  – Lix qof ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Burco.

Lixdan qof ee shilka gaadhi ku dhaawacmay, ayaa  dhammaantood ahaa  culimo ka tagay magaalada Hargeysa, kadib markii ay ka  qayb galeen kulankii Islaamka, iyagoo ku sii jeeday magaalada Buuhoodle.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Maxamed Yuusuf Jamac iyo agaasimaha guud ee cisbitaalka magaalada Burco oo shaagay in dadkaas oo dhaawacooda lagu dawaynaayo cisbitaalka magaalada Burco.

Lixdaa qof ayay saddex ka mid ah xaaladoodu aad u daran tahay, iyadoo ay ku hawlan yihiin dawayntooda dhakhaatiirta cisbitaalka ee magaalada Burco.

Leave a Reply