Wasiirka Degaanka oo Sheegaytay in Aanay Aqbalayn Toolooyin soconaya oo Habeenkii Garabka lagu Sido

0
373

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandarre, ayaa sheegtay in aanay aqbalayn tuulooyin soconaya oo habeenkii garabka lagu sido.

Sidoo kale waxaa ay xustay in ay jiraan dad dhulka iska oodanaya oo beer ku sheegaya, sidii ay maalinba maalinta ka danbeysa u durkinayeena ay xidhay jidkii ay dadka iyo xooluhuba marayeen.

Wasiir Shukri ayaa intaas ku dartay in daaqsinta loo wada siman yahay, isla markaana marna hawd loowada guurayo marna xeeb.

Wasiirku waxa ay sidan ka sheegtay kormeer ay ku tagtay degaanka Xuub-jeedinle oo u dhaxeeya degmooyinka Caddaadley iyo Dacar-budhuq, oo dhulkii xoola daaqeenka ahaa degaameyn cusub laga bilaabay.

Wasiir Shukri iyada oo arrimahaasi ka hadlayasa waxaa ay tidhi.“Tuulooyin soconaya oo habeenkii garabka lagu sido anagaaban  ogolayn, oo sharciga ayaan ogolayn, madaxweynuhuna wuu nagu taageeray, wuu nagula socda waa wax uu nagu amray.

Dhul lagu sheeganayo beer oo sidaasi loo riixayo, halkii hore ee ijaarka beertu ahaa inta  ay ka soo qaadeen ayay imika jidkii xoolaha iyo gaadiidkuba marayeen ay soo gaadhay, waanu degan yahay meeshii, dibadana xoolihiisi way daaqayaan, halkana wuu ilaashaday kaa dibeda joogana wuula daaqaya, ma caddaaladba kaa dibeda joogana in uu la soo daaqo isuguna kiisi yidhaaho badh ayaan xidhayaa? Waa maya, waa laga wada sinaanayaa daaqsinta oo marna Hawd ayaa loo wada guurayaa, marna Xeeb ayaa loo wada guurayaa”

Leave a Reply