Hargeya (Dawan) – Xaflad ay soo qaban qaabiyeen ardayda kuliyada Injineerinka Elaktaronikada ee jaamacada Hargaysa ayaa lagu maamuusayay arday deeq waxbarsho ka heshay dalka Jabuuti.
Waxaana ka qeyb galay maayir ku xigeenka magaalada hargaysa iyo gudoomiyaha komishanka tamarta arday iyo waaldiin waxaana ugu horyen halkaasi ka hadlay maayir xigeenka magaalada hargaysa Khadar Nuur oo ardayda ku dardaaray in ay dadaal dheer u yeeshaan sidii ay uga soo midho dhalin laahaayeen geediga waxbarsho ee ay u baxeen
Gudoomiyaha komishanka tamarta Axmed Faarax Cadare oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay in arday ahaan ay yihiin safiiro waxbarsho kuwaasoo oo gaadhi doona dalkoodii labaad isagoo u mahad celiyay waaldiinta iyo macalimiinta kusoo tabacday
Gabgabadii waxa iyaguna hadalo dardaaran iyo duco u jeediyay ardayda deeqda waxbarsho heshay masuuliyiinta jamaacada iyo qaar ka mida waaldiinta ardaydaasi oo dhamaantood u rajeeyay in ALLE kusoo guuleeyo yoolkooda waxbarsho