Maamulka Gobolka Awdal iyo ka Degmada oo  Kormeeray Goobo Roobku Waxyeelleeyay.

0
291

Boorama (Dawan) – Badhosaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) oo ay weheliyaan maayarka iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmada Boorama ayaa maanta kormeer indho indhayn ah kusoo maray goobo ay waxyeelleeyeen roobab mahiigaanno ah oo saacadihii ugu dambeeyay gobolka ka da’yay.

Waxaana ay mas’uuliyiintani soo kormeereen biriishyada xaafadda Sheekh Cismaan ee magaalada Boorama oo ay daadadku oodeen. Maayarka degmada Boorama Maxamed Axmed Warsame iyo xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee degmada Boorama oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in sida ugu dhakhiisayaha badan ay uga hawlgeli doonaan sidii dib loogu furi lahaa biriishyadaasi, waxaana ay xuseen daadad xoog leh oo rogmaday ay xidhiidh biriishka haya yaabe, laakiin shaqaalaha dawladda hoose ee degmada Boorama ay dib u fureen, waxaana ay sheegeen in sidoo kale ay ku hawlan yihiin sidii dib loogu furi laha biriishyada kale ee xidhan.

Badhosaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in sidoo kale daadadku ay galeen guryaha qaarkood kaddib markii ay biriishyada hoostooda ay xidheen dhir ay soo gooyeen daadadku, waxaana uu tilmaamay in maamul ahaan ay ka hawgelayaan sidii dib loogu furi lahaa jidadka xidhan.

Badhosaabku waxa uu intaas ku daray in dhibta ka dhacday daadadka ay qayb ka yihiin bulshadu kaddib markii halkii uu daadku mari lahaa ay ku xidheen xashiish iyo qashin buuxdhaafay, taasoo keentay halis ah in dooxa degmadaasi uu fataho, isla markaana uu maro goobo aanu mari jirin markii hore, waxaana uu ugu baaqay bulshada inay ka digtoonaadaan khatarta ay leedahay in biyo mareennada ay qashin ku xidhaan.

Leave a Reply