Nuxurka kulan Dhexmaray Wasiirka Qorshaynta iyo madaxda  hay’addaha Wadamada Carabta…

0
440

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka 𝗠udane 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗹la𝗮𝗵𝗶 ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, madaxda  hay’addaha Wadamada Carabta ee Somaliland ka taageera Mashaariicda Gargaarka bini’aadantinimo iyo mashaariicda horumarineed ee khayriga ah.

Sidoo kale waxaa layska xog waraysatay sidii mashaariicda ay fulinayaan loogu salayn lahaa baahiyaha aasaasiga ee waddanka ka jira iyo in la waafajiyo Qorshayaasha horumarineed uu Qaranku leeyahay.

Kulankan oo wakhti qaatay ayaa waxa laysla qaatay in la sameeyo Dallad guud oo ay ku midaysan yihiin dhammaan Ururada Waddamada Islaamku, iyo in la xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhaxeeya wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka iyo hay’addaha waddamada Islaamka.

May be an image of one or more people, people sitting and people standing

May be an image of 1 person and indoor

May be an image of 4 people, people sitting, people standing and indoorMay be an image of 1 person

May be an image of 5 people, people sitting and indoor

May be an image of 1 person, sitting and indoor

Leave a Reply