Dadaalka Ay Hogaanka Ku Qabteen !

0
369

Dalka Maraykanka qaringii 18aad ilaa kii 19aad waxa loo yaqaanay dadka guran ee bidixda isticmaala inay yihiin dad waalan oo wax u dhiman yihiin. Madaxweynihii 33 ee Maraykanka Harry Truman (1945-1953) ayaa isna soo saaray sharci ah in ardayda dugsiyada dhigata ee bidixda wax ku qora khasab lagaga dhigo inay midigta isticmaalaan.

Sanadkii 1970 ayuu Maraykanku ogolaaday in bidix iyo midix qofku tan u doono isticmaali karo. Haddaba Waxa yaab noqotay in labaatankii sano ee u danbeeyay Maraykanka ay musharixiinta madaxaweyne noqdeen 20 qof oo guran.  Waxa kale oo jirta in toddobadii madaxweyne ee ugu danbeeyay dalkaasi ay 5 ka mid guranaayeen.

Sanadkii 1992 tartankii madaxweynaha ee dhacay  waxa ka qayb galay saddex nin oo guran oo kala ahaa George H.Bush, Bill Clinton iyo Ross Perot.  Sanadkii 2008 waxa tartanka madaxweyna ka qayb galay Obama iyo John McCain oo labadoodu guranaa, bidixdana isticmaala.  Dalka Maraykanka madaxweynaha talada ku guulaysta maahee ka kale ayaa isna noqda guray bidixda isticmaala.

Guud ahaan Maraykanka dadka guran ayaa ah 10%.. Haddana saamiga dadka gurani ay ka heleen jagada madaxweyne ayaa ah mid yaab leh.  Sanadkii 2009, bishii Janauary markii uu xilka la wareegay Obama ee uu ku sexeexay documentigii rasmiga bidixda ayuu eraydan yidhi :” Anigu guray ayaan ahayn, waxaan isticmaala bidixda”.  (anythinglefthanded.co.uk)

Leave a Reply