Wasiirka Kaahin oo soo saaray War-qoraal ah oo ku socda Golayaasha Degaanka ee dalka

0
276

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxmed Kaahin Axmed, ayaa joojiyay qabashada shirar aan caadi ahayn oo ay yeeshaan goleyaasha degaanka ee dalku, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in goleyaasha degaanada dalka qaarkood rabaan inay xilalka kaga qaadaan maayarada degmooyinkaas.

Amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa guddoomiyehaasha gobolada iyo degmooyinka dalka lagu faray in aan la qaban karin shirarka la xidhiidha badalaada maayirada.

Wasaaradda arrimaha gudduhu waxay amarkan ku sababaysay in maayirada hogaaminaaya goleyaasha degaanka ee dalku ay ku cusub yihiin xilalka, sidaa awgeedna aanay sax ahayn in saddex bilood gudahood xilalka lagagabqaado.

No photo description available.

May be an image of text

Leave a Reply